Markaan calan gaar ah guudka sudhnee,
Goonnida isu taagnayeen go’nay baan,
Taladii garannoo guushii hantinnee.
Allow ku gargaar gayiga nabadoo,
Dadkana garansii lib iyo gobonnimo.
Hibooyinka iyo deeqaha faraha badan ee Eebbaheen ku mannaystay reer Somaliland waxa ka mid ah fanka iyo suugaanta. Reer Somaliland waxa ay mar walba ahaayeen hormoodka fanka iyo suugaanta dadyowga Af-Soomaaliga ku hadla. Abwaanka reer Somaliland wuxu mar walba ahaa mid kobcaya oo kol walba la jaanqaada waayaha iyo giraanta nolosha ee aan joogsan. Afartameeyadii qarnigii la soo dhaafay AHN Cabdi Deeqsi Warfaa, oo ku suntan aabbaha heesta Soomaaliga, ayaa ahaa kii ugu hor bilaabay heesta Af-Soomaaliga. Wuxu ku bilaabay hees uu u sameeyay gabadh uu jeclaaday oo magaalada Boorama degganeyd oo la odhan jiray Khadiija. Heestaas waxa ka dhalatay silsiladda heesaha loogu magac daray Balwo. Dabadeed heestaas oo noqotay buddhiggii heesta Soomaaliga, waxa horumariyay Abwaan AHN Cabdillaahi Qarshe. Abwaan Cabdillaahi Qarshe iyo fanaaniin badan iyo abwaanno badan oo uu ku jiray waxay unkeen kooxdii la odhan jiray Walaalo Hargeysa.
Ilaa waagaa Somaliland waxa mar walba ka soo baxayay hab iyo hannaan farshaxannimo faneed cusub oo hore aan u jirin. Waxa bilaabmay qaraamigii oo noocyo badan u kala baxa. Iyaga oo fannaaniintii iyo abwaannadii hore lala dhacsan yahay oo laga xiiso goyn ayaa waxa kol walba ka soo daba dhaca kuwa cusub oo dar dar cusub iyo hannaan cusub kusoo kordhiya saaxadda fanka.
Kooxdaa walaalo Hargeysa fanka Soomaaliga waxa ay gaadhsiiyeen meel aanay cidina gaadhsiin. Waxa ay ahaayeen koox madax bannaan oo fikirkooda iyo taladooduba gaar u tahay oo aan hoggaan ugu xidhnayn xisbi ama xukuumad. Xornimadaa ay hawshooda u maamulan jireen ayaa ugu dambeystii ka hor timid siyaasaddi guulwadeynta aheyd ee taliskii waddankii Somali Republic la isku odhan jiray. Ugu dambeystiina taliskaasu wuxu ku guulaystay in uu baabi’iyo kooxdii walaalo Hargeysa oo badhkood dibadaha u baxsadaan, qaar kooxdii xukuumiga aheyd ee Waaberi ku milmaan, qaarna ay iskagaba hadhaan fanka.
Walaalo Hargeysa waxa maanta saansaantoodii u eeg kooxda Xiddigaha Geeska oo run ahaantii ah mucjiso cusub oo ku soo korodhay fanka dadyowga Af-Soomaaliga ku hadla. Waa koox ku dhalatay oo ku kobocday hoygii fanka (Somaliland). Sidii aabbayaashoodii Walaalo Hargeysa waa koox si heer sare ah u abaabulan oo muddo gaaban gudaheed muujiyey mudakarnimo faneed.
Mudda gaaban ayey ka gudbeen duruufo adag oo gayiga ka jira, waxaana marag ma doona sida ay daafaha dunida ugu shaac baxeen. Waxa mucjisooyinka ay muujiyeen ka mid ah iyaga oo aan cidna ka helin dhaqaale iyo adduun ayay heerkaa gaadheen. Waa koox dhammaystiran oo cidna wax u daba fadhiisanayn. Waa koox sidii Walaalo Hargeysa waddaninnimadu ku weyn tahay oo aan ka maqnaan kor u qaadidda iyo ku faanka waddankooda HOOYO.
Talo
Waxa habboon reer Somaliland in ay ku faanaan kooxdan, oo ka mid deeqaha Eebbe, oo la dhowro, oo la ilaashado oo sidii baryo dhoweyd dhacday aan la xagxagan. Xukuumadda waxaan leeyahay kooxdani waxa ay idinka istaahishaa in la caawiyo ee ma istaahisho xayiraad iyo cabbudhin. Kooxdani inta ay qabatay may qaban in badan oo xukuumadda ama shacbkaba ahii.
Kooxda: waxa aan kula talin lahaa in sida ay ugu faanaan waddaninnimadooda in magacoodana laga dheehdo. Walaalo Hargeysa asal halka ay ku leeyihiin waxa laga dheehanayey magacooda, idinkana waxaannu idinka rajeynayaa sidaas oo kale. Taa macnaheedu maaha dadyowga kale ka go’a. Laakiin waxa weeyi,halka aad ku barbaarteen ama magaca ku yeelateen xaq dheeraad ah oo aan inta kale idinku laheyn ayay idinku leedahay. Astaan ama summad Somaliland oo magaciinna ka muuqataa waa abaal yar oo aad kusoo celineysaan halka Eebbe sabab uga dhigo heerka aad gaadheen.
Cali Cumar