Xiddigta Masraxa Fanka Soomaalida Jabuuti Oo Ka Hadashay Waxyaabo Ay Somaliland Kala Kulantay Oo Indhaheeda Soo Jiitay

0
50

Fenaannadan Oo Rubuc Qarni Iyo Dheeraad Ka Dhex Muuqatay Masraxa Fanka Soomaalida Jabuuti Oo Weriye A. A. Caano-dhame Uga Xog-warantay Socdaal Ay Hargeysa Ku Joogto Haatan

xabiiba-balbalaaf

Hargaysa  (Hubaal) – Fannaanada reer Jabuuti Ee Xabiiba Cabdillaahi Balbalaaf oo socdaal ku joogta  caasimadda Somaliland ee Hargeysa muddooyinkii u dembeeyey Ayaa dareenkeeda ka muujisay  waxyaabihii ugu yaabka badnaa ama soo jiitay, ee ay ku aragtay Somaliland gaar ahaan magaalada Hargeysa oo ay ku sugnayd dhawrkii maalmood ee ugu danbeeyey.  “kolka hore waxaan salaamayaa dhammaanba shacbiga Somaliland iyo madaxdoodaba, iyo sidoo kale bahda fannaaniinta, waa meel run ahaantii aan ku leeyahay asxaab iyo taageerayaal badan oo fankayga si weyn u xiiseeya ku leeyahay,  aniguna si aad ah u jecelahay, taariikh weyna ku leh, aasaaska iyo horumarka fanka soomaalida, intaa ka bacdi  waxa huunno  socdaalkayga wakhtigan ee Somaliland  iigu  xigtay 6 sano ka hor, xilligaasi oo ku beegnayd 2010kii, run ahaantii waxyaabaha sida aadka ah ii soo jiitay, haddaan wax kaaga sheego waxa ka mid ah isbedelka weyn ee ka muuqda madaarka hargeysa, waayo? madaarradu  waxay ka mid yihiin  meelaha qofku marka uu waddan soo galo kolka ugu horraysa  isha ku dhufanayo, waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay horumarka casriga ah ee lagu sameeyey, oo aan ka  odhan karo kolkaasi hore ma uu aheyn garoon diyaaradeed oo u qalma caasimada Somaliland, laakiin maanta  waxaan odhan karaa waa heer caalami, dhismaha iyo bilicda ka muuqata, qaabka loogu adeegayo dadka, nidaamka ka muuqda iyo wax kastaba”. photoSidaas ayay tidhi Fanaannada Xabiiba Cabdillaahi Belballaaf oo U Warrantay Weriye Cali Axmed Cawaalle (Caanno-dhame) oo ka mid ah bahda Wasaaradda Warfaafinta. Xabiiba Belballaaf waa ay sii wadday xogwarrankeeda waxaanay intaa ku dartay in socdaalkeeda xilligani aanu wax xidhiidha la lahayn dhinaca fanka, balse uu iyada khaas u yahay, iyada oo bogaadisay horumarka shacbiga Somaliland ku tallaabsaday muddada kooban ee lixda sanno ah ee  ugu dembeysay Somaliland “ Waxaan walaal ka mid ah dhismayaasha waaweyn qaaliga runtii ah, aadkana u quruxda badan oo aan ku arkay badhtamaha suuqa iyo qaybo badan oo kale  oo magaalada ah, kuwo socda oo ay muuqato in gacanta hadda lagu hayo, waa wax aad u kala fog sannadyadii horeeto iyo imika, way fiican tahay, waxey markhaati u tahay sida dadku waddankooga uga shaqaysanayaan hanti kastina u gelinyaan”. Ayay hadalkeeda ku soo koobtay. Fanaannada Xabiiba Cabdillaahi Belballaaf oo fanka Soomaalida gaar ahaanna fanka Jabuuti si weyn uga dhex muuqatay dhawr iyo soddonkii sanno ee la soo dhaafay, Waxa lagu tilmaamaa fannaaniinta safka hore kaga jira fanka dadka soomaalida, isla markaana sida aadka ah loo xiiseeyo qaab faneedkeeda, iyadoo dadka qaybo ka mid ahina ayba u dareemaan gabadh kul kulul oo leh sharaarad dabiici ah, badiyaana ku gardarro badan ragga, khaasatan kolka ay metelayso qaabka jilista sheekada masraxa, iyadoo si weyn loogu xasuusto qaar ka mid ah riwaayadahii caan baxay ee  ay xiddigta ka ahayd xabiibo,ee “Ragow aarsi haween u adkaysta markiinna, iyo Qaahira oo uu allifay A.H.N Abwaankii ibraahim sh.saleebaan (ibraahin gadhle). Si kastaba ha ahaatee bulshada reer Somaliland ayaa xabiiba balbalaaf waxay si gaar ah ugu xasuustaan doorkii muuqday iyo wacdarihii ay ka muujisay xafladihii  xuska 25 guurada madax bannaanida Somaliland ee lagu qabtay jamhuuriyadda jibuti sanndkan 2016ka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here