Hargaysa 🙁 Hubaal)-Qaar kamid ah Xildhibaanada aqalka golaha wakiilada somaliland, ayaa ugu baaqay Guddoomiyahooda inuu iska Casilo mar haddii uu aaminsan yahay in muddo-kordhinta ay Kuraasta ku joogaan tahay mid sharciga baalmrsan. Mudanayaashan oo Saxaafadda Kula Hadlay Xarunta Golaha Maalintii shalay, ayaa waxa ay cadeyeen inaan loo baahnayn in Markasta Golaha baarlamanka lagu sheego xaraan, isla-markaana uu haddana Guddoomiye Cirroo kusii adkaysanayo inuu Kursiga Guddoomiyenimo kusii faro adaygo. Xildhibaanadu waxa ay ku doodeen in Ay fadhiyi Doonaan ilaa inta lasoo doorto Xildhibaano badala,balse aanay xilka kaga tagi doonin Hadallada uu Guddoomiye Cirro Golahooda ka faafiyo eek u diido Muddo-kordhinta Guurtida. Xildhibaan Xasan Cawaale,Xildhibaan Nac-nac,Xildhibaan Cabdi Qaadir iyo Xildhibaanno kale oo Golaha Wakiillada katirsan, ayaa dhammaantood si isku mid ah uga soo horjeestay Hadalka Guddoomiyahooda, waxana ay ugu baaqeen inuu odhaahdaas joojiyo mar haddii uu kursiga kusii fadhiyo. “Hortu wax sharci daro Ahi Majiraan guurtidu waxa ay u qaabilsan tahay oo sharcigu siiyay in ay sameeyaan muddo kordhin,sababta oo Ah shan sano ayuu shacabku nadoortay ilaa hadana waxaanu fadhinaa toban sanadood,guddoomiye cirana intaasba guddoomiye ayuu ka ahaa wax sharci daro ahina majirto,sidaad daraadeed xalaal ayaanu ku fadhinaa,sharci ayaanu ku joognaa.” Ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan. Xildhibaan xasan cawaale waxa uu Guddoomiyaha golaha u soo jeediyay hadii ay Golahu Xaraan yihiin inuu iska casilo xilkan uu u hayo,kana daayo wararka aan munaasibka ku ahayn golaha baarlamanka somaliland waxaana uu yidhi. “Hadii haka tago golaha wakiilada,lakiin waxa xaraan ah oonu ku fadhinaa majirto,isaga ayay u taal hadii uu ka tagayo iyo hadii uu joogayo iyo waliba hadii golaha raali galin siinayo,Guurtiduna hore ayay u kordhin jirtay xaqna way u leeyihiin balse qoladan komiishanku kordhin iyo muddo cayimin toona male.” Geesta kale xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-Nac ayaa isna caddeeyay xisbiga wadani ee guddoomiyahoodu fadhiyo golaha hadii ay diidan yihiin mudo kordhinta inuu xilka baneeyo waxaana uu yidhi. “Golaha wakiiladu waa sharci waxaana ay ku fadhiyaan mudo kordhintii golaha guurtida waxaana leeyahay qoladan wadani ee leh sharci maaha in ay ina dhafaan,guurtida ayaa marka ay ka talisay xaalka dalka go’aankan gaadhay cid ka soo horjeesan kartaa majirto waxaan fari lahaa guddoomiyaha golaha inuu isagu xilka iskaga tago,anagu sharciga aanu 10kii sano eek a horeeyayba ku fadhinaya ayaanu maanta ku fadhinaa,hadalna loo joojin maayo sharcina sidaas ayaanu ku nahay.” Sidoo kale Xildhibaan Cabdi Qaadir Jaamac Xaamud, ayaa sheegay hadii doorashada dibu dhac ku yimaado in ay waajib u leedahay guurtidu in ay ka hawl gasho sidii Aanu dalku ugu dhicin dawlad la’aan waxaana uu yidhi.“imika waad ka war haysaan guurtidu shan jeer ayay kordhisay,marka doorashada wakhtigeeda la qaban waayo duruufo kastaaba hakeneene guurtida ayaa kordhinaysa waana dastuuri waligeedna sidaas ayay ahayd,qofkii yidhaaha waa xaraan waxa qurux badan inuu iska casilo xilka uu hayo,meeshii waan idinla fadhiyayaa xaraana waan ku sheegayaa,masuuro galayso. intaas waxa uu raaciyay xildhibaan cabdi qaadir isaga oo hadalkiisa siiwata waxaana uu yidhi.”Go’aankaas guurtidu waa dastuuri waana xalaal qofkii dacwad ka qabaana maxkamada sare hatago.”
Hadalkan ka soo yeedhay Xildhibaanada aqalka golaha wakiilada somaliland ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili Guddoomiyaha golaha wakiiladu ku doodo in muddo-kordhinta Golihiisu xaaraan tahay, balse aanu ku dhiirranaynin inuu xilkiisa ka tago.