Biyo-dhaca War Murtiyeed Siddeed Qoddob Ka Kooban Oo Ay Ururrada Shaqaallaha Rayidka Ahi Soo Saareen Xalay
Hargeysa (Hubaal):- Xidhiidhka guud ee Ururada Shaqaalaha Somaliland ayaa sheegay in ay si weyn u taageersan yihiin tallaabo danyarta wax tar u ah oo uu qaaday Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habane.taasoo ah in Wasiirku uu ku dhawaaqay in la joojiyay lacagta ardayda dugsiyada laga qaado bilaha ay fasaxa yihiin. Waxaa kale oo xidhiidhka shaqaaluhu u soo jeediyay xukuumadda Somaliland in ay wax ka qabato arrimo kale oo wax u taraya kor u qaadista nolosha bulshada Somaliland. Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed xalay cawayskii lagu baahiyey shabakadda Gudgudenews.com oo uu Guddoomiyaha xidhiidhka guud ee ururada Shaqaaluhu Maxamed Axmed Cabdi iyo Xoghayaha xidhiidhka Cabdilaahi Xasan Magan soo saareen. warsaxaafadeedkaasina, waxaa uu u qornaa sidan:-
“Waxaanu war-saxaafadeedkani u qabanay inaanu Muujino Taageero iyo Qoddobo kale oo Shaqaalaha iyo Ururada Shaqaalaha khuseeyaba, waxaanu leenahay:-
(1) Waxaanu taageerayna go’aankii Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mr. Cabdillaahi Ibraahim Habane ee uu ku joojiyey lacagta laga qaadayo Ardayda Bilaha Fasaxa oo si gaar ah dhib ugu aha Danyarta iyo Xoogsatada oo ka ah Bulshadeena Boqolkiiba sagaashan 90%.
(2) Waxa aanu soo jeedinaynaa in xukuumadda amar ku bixiso sidaasi oo kale in Dugsiyada iyo Jaamacadaha Rayidka ahi ay Maclimiinta siiyaan Mushahar biloodka bilaha ay Fasaxa yihiin-sababo Dugsiga/Jaamacadda ay u soo shaqeeyeen sannad dugsiyeedkii oo dhan.
(3) Waxaanu codsanaynaa in Macalimiinta Mushaharku ka maqan yahay ee Dugsiyada/Jaamacadaha gaarka ah ay si dhakhso ah u siiyaan.
(4) Waxaanu ku adkaynayna dhammaan Macalimiinta Rayid iyo Dawladba inay xoojiyaan Ururka Macalimiinta si ay danahooda ugu difaacaan.
(5) Iyadoo ayna isku dheelitirnayn Mushaharka iyo Noloshu Shaqaaluhuna u adkaysteen waxaanu Xukuumadda ka codsanayna in raashin la siiyo shaqaalaha amaba mushaharka la kordhiyo.
(6) Iyadoo Maayarada magaalooyinka dalku ku shirayaan xilligani caasimaadka dalka JSL ee Hargeysa, waxaanu u soo jeedinayna in Xoogagga Dawladda u shaqeeya la siiyo qof wealba meel uu dego, looguna magacaabo xaafadda shaqaalaha ee magaalo kassta.
(7) Waxaanu si naxariis leh uga codsanayna Maayarada magaalooyinka Somaliland in dadkii ubadkoodu ku dhamaadeen badaha una badna danyarta oo naf iyo maalba iska raaceen in la siiyo dhul ay degaan loona dhiso.
(8) Waxaanu u sheegayna shaqaalaha Somaliland in siday iskugu bah yihiin samaystaan Ururkooda shaqaale sida ka jirta Caalamka si aynu u ilaashano danaheena, dalkeenana ugu hormarino.