Xiisad kasoo Cusboonaatay Baliga Diiriye Guuleed oo dad laga soo xidhay iyo waftigii Xukuumada ahaa oo Fara madhnaan kala noqday xal u helida xaalado cakiran oo ka jira Gobolka.

0
21

Xiisad ayaa kasoo Cusboonaatay Degaanka waqooyiga Burco ka dib markii ay is rasaasayni  dhexmartay Labada beelood Reer Biniin iyo Cabdale Arab kuwasoo ku  Muransanaa Baliga Diiriye Guuleed ,Xiisada ayaa beryhihii ugu danbeeyay ka taagnayd Degaankaas oo waxaanay labada beelood isku hayeen Dulkaas Mudo badan, iyadoona ay dawladu laba xukun oo is  khilaafsan kasoo Saartay dhulkaas.waxaana Markii ugu danbaysay Go,aankaas Ganafka ku dhuftay Beesha Reer Biniin,Halka Go,aankii Hore ay qaadacday Beesha Cabdale Arab.
newsIska rasaasaynta Baliga diiriye Guuleed ayaa dhacday isla xaly fiidkii waxana saaka Goobta gaadhay Ciidamada Booliska Gobolka Togdheer,halkaas oo ay ciidamada amaanku kasoo qabteen tuulo u dhaw Goobta khilaafku ka jiro oo lagu magacaabo Booraamo.
xiisada xalay degaankaas ka dacday ayaan wali wax khasaare ahai kam dhicin inkastoo xaaladu sida laga soo sheegayo ay kacsantahay,
waxaanay dawladu khilaafkaas usoo dirtay wafti ka kooban Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada,Wasiirka   Wasaarada Ciyaaraha,dhalinyarada  Cali siciid Raygal iyo Xildhibaan Cali Mareexaan  kuwaasoo maalmiii ugu danbeeyay  shirar la lahaa beesha reer Biniin si ay ugu qanciyaan Go,aankii danbe,waxaanay waftigaasi isla shalay magaalada Burco dib uga Baqooleen iyagoo aan wax natiijo ah hayn shirarkaas iyo iyo ujeedooyinkii ay u yimaadeen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here