Daraasadu waxa kale oo ay tilmaantay in raggu xagga isticmaalka facebook kaga badan yahay haweenka, halka dadka aqoontoodu aad u sarrayso yihiin kuwa aad u isticmaala oo macluumaadkay hayaan ku baahiya.
Cilmi-baadhis cusub oo ay soo saartay Jaamacadda Bergen ee dalka Norway, ayaa iftiimisay in madaxda aadka u ad adag ee aan furfurnayn inta badan waqtigooda ku qataan isticmaalka facebook, sababtoo ah waxay ku mededaaliyaan naftooda, maadaama aanay dal dhexgalka ku fiicnayn.
Daraasadu waxa kale oo ay tilmaantay in raggu xagga isticmaalka facebook kaga badan yahay haweenka, halka dadka aqoontoodu aad u sarrayso yihiin kuwa aad u isticmaala oo macluumaadkay hayaan ku baahiya.
Cilmi-baadhistan Jaamacaddu soo saartay oo laga qaaday 11,000 shaqaale ah, ayaa caddaysay in dadka jagooyinka sare haya ee inta badan dabeecadoodu adag tahay ay aad adeegsadaan baraha bulshadu ku kulanto, iyagoo da’ yartana ku sheega in ay waqtigooda ku lumiyaan facebook iyo Twitter-ka.
Dr. Ceceile Schou Andreassen oo ka tirsan Jaamacadda Bergen, ahna khabiir cilmi-nafsiga ku takhasusay, ayaa sheegtay in ay aad u xiiso badan tahay in dadka madaxda ah ee aadka u qalafsan ay saacado badan dadka kala xidhiidhaan mareegaha bulshadu ku kulmaan.
Daraasadu waxay intaa ku dartay in raggu inta badan haweenka ka jecel yihiin in ay internetka u isticmalaan dano shakhsi ahaaneed, iyagoo shaqo ku jira, halka dadka yar yarna aad uga isticmaal badan yihiin kuwa waaweyn.
Dr. Andreassen waxay sheegtay in madaxdu inta badan shaqaalahooda ka xakameeyaan isticmaalka internetka aan shaqo lagu hayn, halka iyaguna ay
aad ugu badan yihiin, maadaama aanu jirin qof kormeeraya oo ka ilaalinaya amma ay ka cabsanayaan.
“Waxa dhab ah in madaxdu ka welwelaan in macaashka soo geliya iyo maaliyadoodu hoos-u-dhac ku yimaado, balse arrintaasi aanay ka joojin isticmaalka baraha bulshada, halka dadka lacagta haysta oo aan ka baqin in ay shaqo wayaan ku badan yihiin facebook, halka dadka danyarta ah ay ka cabsadaan in ay shaqadooda ku wayaan isticmaalka baraha bulshadu ku kulanto,” ayey tidhi Dr. Schou Andreassen
Diyaarintii: Ibraahim Khadar