XIISAHA HUBAAL: DAAWO Madaxweynihii Hore Ee Maraykanka Bush-ka Wayn Oo Xuska 90-Guuradiisa Baarashuut Kaga Soo Booday Diyaarad Dagaal

0
53

Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Bush-ka Wayn ayaa maalin-nimadii khamiistii todobaadkii hore ee aynu soo dhaafnay ugu danbaysay, oo ku beegnayd sagaashan guurada ka soo wareegtay dhalashadiisi ku xusay, baarashuut uu kaga soo booday diyaarad kuwa dagaalka ah.
Afhayeen u hadlay Madaxweyne Buush-kii waynaa ee dalka Maraykanka mar Madaxweynaha ka ahaa, oo lagu magacaabo, Jim McGrath ayaa sheegay in Bush oo sagaashan jir ahi yahay, qof jecel in la hadal hayo oo aanu marnaba warbaahinta ka bixin magaciisu sidaa awgeed uu jeclaystay in sagaashan jirka marka uu u buuxsamo uu sanad guuradiisa ku xuso diyaarad inuu baarashuut kaga soo bood.
Talaabadan oo u noqonaysa tii sideedaad ee uu ninkaasi sameeyo ayaa markii ugu horaysay ka soo bilaabantay dhamaadkii dagaalkii labaad ee aduunka, wakhtigaas oo uu diyaarad kuwa dagaalka ah oo uu ka mid ahaa duuliyayaasheedka ka soo booday isaga oo ku xusaya dhalashadiisa.
Waxa ugu xigay marar kala duwan oo kontan jirkiisi, sideetan jirkiisi iyo wakhtiyo kale kala ahaa, waxaana intaba ku garab istaagtay ayuu yidhi Jim McGrath haweenaydii marwada koowaad ee Maraykanka hore u ahaan jirtay Barbara Bush, oo iyada lafteedu ah qof magaca odaygeeeda jecel iyo inuu wax cusub dunida ku soo kordhiyo.
Lamaanahan magac doonku madax maray ayaa la keenay goobta xafladaasi ka dhacaysay, iyaga oo gabow badani ka muuqdo kordhooda, in kasta oo islaantu odayga xoogay yara dhaantay, waxa uu isagu ahaa mid lagu riixayay baaskiiladaha curyaamiinta oo kale, waxaanu soo goostay baarashuudka markii diyaaradu sagaal iyo toban kun oo fiit dhulka ka kacday.
Sida muuqaalada laga duubay muujinayaan, xaaskiisa Barbara Bush ayaa goobta la taagnayd kamarad kuwa sawirka lagu qaado ah, taas oo ay la haleeshay dhawr jeer oo uu hawada ku jiray, gaar ahaan markii uu soo dhawaaday, waxa kale oo ay sawirka la haleeshay marii ay dhulka ku soo dhaceen isaga iyo ninkii caawinayay, si wayna way ugu sacibisay ka dibna dug inta ay ku dhigi ayay madaxa u salaaxday, waxaanu ahaa muuqaal muusood badani ku dheehnaa.

 p92

p131

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here