Xidhiidhka ka dhexeeya Giriiga iyo Bulgariya ayaa ah mid qasan sanadkii 1925, labada dawladood ayaa ka qayb galay dagaalkii koowaad ee dunida iyagoo iska soo horjeeda. Markii dagaalkii uu dhamaaday goobaha xadka ee labada dal waxay ahayd kuwo degan laakiin haddana uu shaki badani ka jiray. Haddaba bishii October 22, sanadkii 1925 magaaladda ku taalla xaduuda ee Petric ayaa uu Ey uu lahaa askari Giriig ahi uu u tallaabay dhinaca Giriiga, taasi oo keentay in Askarta ilaalada xadka ee Bulgaariya ay toogtaan Eygaasi oo uu halkaasi ku dinto. Dawladda Giriiga ayaa arinkaasi ka cadhootay waxayna hujuum adag ku qaaday maalintii ku xigtay magaalada Petric. Iyadoo wada qabsatay magaalada, ka dib markii ay ka carareen ciidankii Bulgaariya. Hay’adii dunida leage of nation ayaa Giriiga ku soo rogtay cuno qabatayn waxayna ku amartay inuu ciidamadiisa kagala baxo muddo 10 maalmood ah, isla markaana uu siiyo magdhaw gaadhay 45000 Pound Bulgaariya khasaarihii uu gaadhsiiyay awgeed, Waxaana uu ahaa dagaal uu sababay Ey la dilay.