Xiisaha Warbixin Ay Warbaahinta Ugu Afka Dheer ZIMBABWE Ka Qortay Dhabbeyaasha Gaadiidka Cirka Ee Somaliland

0
26

Harari (Hubaal-Theafricanreport.com)- Majallada  ugu afka dheer dalka simbabwi ee Theafricareport   ayaa diirada  saaray  Horumar xawli ah oo  sheegay in ay ku tallaabsadeen dhabbayaasha diyaaraduhu ka haadaan ee Somaliland gaar ahaanna Madaarka Caasimada Hargeysa.

Wargeyskan oo cadadkii bishan June wax ka qoray isbedelka  ka tisqaadey Madaaradda Somaliland gaar ahaan Madaaradda Hargeysa iyo Berbera  ayaa  uu hoosta ka xariiqay inay ku talaabsanayaan Xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay Mudane Axmed Maxamed (Siillaanyo) tan iyo markii uu Xafiiska Madaxtooyadda qabtay in uu awooda saaray sare u qaadida iyo maalgeinta dalka  Warbixintan ay Somaliland ka diyaarisay Majaladda THEAFRICAREPORT, ayaa iyada oo dhinaca horumarinta iyo Maalgashiga Xukuumadda Somaliland ku sameysay gaar ahaan Madaarka Caasimadda Hargeysa ee Cigaal International Airport waxay sheegtay dub u dhiskiisa iyo Casriyeyntiisa  ku baxday ku dhawaad lacag dhan Qadar Lacageed oo dhan $6.7 oo Doolar oo dawladda Kuwait bixisay iyo lacag kale oo aanay dalka Mareykanku bixiyey balse aanu Wargeysku  Cadadkeeda tibaaxin iyo inta ay leeg tahay sheegin, lacagahaasi oo wax lagaga qabtay Casriyeyinta Terminalada, Dhismaha iyo baadhinta Ranway-da iyo Marawaxadaha Korontadda laga dhaliyo ee madaarka laga hirgeliyey.

MadaarkaWasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shirre oo Wargeysku soo xiganaayey waxa uu yidhi “ Madaaraddu waxay noo yidhiin Ahmiyadda ugu weyn dal ahaan waa waxyaabaha kaliya ee nagu xidhi kara aduunka intiisa kale, maalgashiga dhulka, Hawladda (Madaaradda Somaliland) ,Dekadduhu waa meelaha maalgashato kasta u ah halbeega ay doonayaan in aanu iska kaashano oo ay maalgashigooda u tixgelinayaan weeye”

 “Dawladda Somaliland waxay u aragta Duulimaadyaddu ama Madaaraddu ahmiyada koobaad u yihiin iyo ta ugu muhiimsan balse xaqiiqadu waxay tahay Awood yar ayey ku leeyihiin iyo in  Saameyn ah, mana laha awood ay Somaliland ku maamusho Madaaraddeeda” Sidaasi waxa yidhi Margaret Viola oo ah  lataliye hore oo Shirkadda Diyaaraddaha ee Daallo Airline.

Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga  Arimaha Guddaha Somaliland Md Cabdilaahi Abokor oo Wargeyskan Bilaha Ah ee THEAFRICAREPORT ayaa isna yidhi “Madaarka Cigaal International Airport waxa weeye ka ugu amaansan ee ugu amniga badan xata madaaradda Somalida, runtiina hadii aan la casriyeyn la heyn duulimaadyadda iyo maadaradda Diyaaraddaha Caalamiga ahi waligood ka may shaqeyn laheyn Madaarka Cigaal Airlines, Diyaaraddahaasi oo ay ku jirta Diyaaradda Ethoipian Airlines oo iyadu ahmiyada koobaad uba aragta Amnigeeda ”

Warbixinta  Majaladdan Theafricareport ka qortay Somaliland iyada oo sii wadata waxay sheegtay inay inay hore Madaarka hargeysa si joogta ah uga duuli jireen Shirkaddaha Diyaaraddaha ee Daallo,Jubbo oo (hada midoobay), Afrika Express isla markaana Hargeysi tahay Caasimadda ugu weyn Somaliland oo ay ku dhaqan yihiin dad kabadan 750,000 (Todoba Boqol Iyo Konton Kun),waxaanay iyaga oo soo xiganaaya wasiirka Duulista Hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi in uu sheegay xata ka hor intii aan la dhisin madaaradda Hargeysa iyo Berbera inay Rakaabadda Diyaaraddu boqolkiiba 18% isla markaana Xamuulka ama (Cargo)-na uu 29% oo kor u kacay, halka Sida Wasiir Sacadd Cali Shirre uu hoosta ka xariiqay inay sannadii 2013-dii 83,000 ( Saddex Iyo Sideetan Kun ) oo Rakaabka Diyaaraddaha Raaca inay Madaaradda dalka ka duuleen.

Wasiirka Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland  Maxamuud Xaashi Cabdi  oo Magazine-ka Theafricareport uu ka soo xiganaayey in uu sheegay in Diyaaradda Ethoipia Airlines inay Madaarka Magaaladda Berbera bilaabi ka bilaabi doonto duulimaadyo sida madaarka hargeysa waxaanu yidhi “Dawladda Somaliland waxay rabta inay magaaladda Berberi noqoto meel Dalxiisayaasha aduunku ku soo hirtaan , waxaanu rajeynaynaa inay diyaaradda Ethoipian Airline duliimaadyo ka bilaabi doonto si ay si fiican u isticimaalaan Rakaabkayaga Bariga Somaliland iyo ta ugu muhiimsan oo ah inay Dalxiisayaasha Itoobiya u dhashay isticimaali doonaan” Waxa uu Wasiirku la hadlaayey Warbaahinta gudaha sida Wargeysku xusay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here