Xil. Axmed Ducaalle Bullaale Oo Ku Dhawaaqay In Uu U Tartamayo Mid Ka Mid Ah Kuraasta Shirguddoonka Golaha Wakiillada

0
82

Waxaa uu Shaaciyey In Uu U Tartamayo Kursiga Uu Baashe M. Faarax Ku Fadhiyo

bulaale(3)

Hargeysa (Hubaal) – Xildhibaan Axmed Ducaalle Bullaale oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa shaaciyey in uu u tartami doono kursiga ku xigeenka koowaad ee guddoonka golaha wakiillada, oo uu sheegay in uu isu taagayo marka uu Guddoomiye cirro xilka ka dego ee doorashada loo galo buuxinta jagooyinka shirguddoonka. Xil. Axmed Ducaalle waxaa uu sheegay in uu go’aansaday in uu ka qayb galo dabayl isbedel hoggaamineed xambaarsanoo muddooyinkii u dembeeyey laga dareemayay golahooda. “Waatan oo beryahan guux baa ka jira golahayaga, kaasi oo ku saabsan isbedel ku yimaada hoggaanka golaha ama saddexda xubnood ee shirguddoonka ah oo tartan loogu jiro marka uu guddoomiyuhu sida uu ka dhawaajiyey dhawaan ka dego xilka hoggaamineed ee golaha wakiillada. Arrintaasi waxay olole ka dhex abuurtay golihii, oo waxaa loollan loogu jiraa kuraasta shirguddoonka [guddoomiyaha iyo labada guddoomiye ku xigeen]. Sidaas darteed maadaama oo isbedel hoggaamineed laga filayo in uu golaha ku yimaado waxaan go’aansaday in anigoo Xil. Axmed Ducaalle Bullaale ahi aan ka qayb galo tartankaas, waxaanan halkan ka shaacinayaa in laga bilaabo caawa [xalay] aan u taagannahay tartanka doorashada kursiga guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiillada”. Sidaas ayuu yidhi Xil. Axmed Ducaalle oo xalay khadka telefoonka kula soo xidhiidhay wargeyska HUBAAL isaga oo ku sugan magaallada Hargeysa.

Waa kuma xil. Axmed Ducaalle

Xildhibaan Axmed Ducaalle Bullaale Waxa uu kamid yahay xubnaha golaha wakiilladda ee laga soo doortay gobolka SOOL kaas oo saamiga uu ku leeyahay kuraasta goluhu ay yihiin 12 Kurs . Si kale haddii aynu u dhigno Xil. Ducaalle waxaa uu kamid yahay Afar Xildhibaan oo Xisbiga KULMIYE oo uu bud-dhigeyaashiisii kamid ahaa uga soo baxay gobolka SOOL doorashadii golaha wakiillada ee 2005-tii dalka ka qabsoontay, taas oo 12kii kursi ee gobolkaas uu xisbiga KULMIYE ku yeeshay 4 Xildhibaan, xisbiga UCIDna 2 Xildhibaan halka xisbul-xaakimkii hore ee dalkuna [UDUB] uu ku lahaa 6 xildhibaan.

 Md. Axmed Ducaalle Bullaale, kasokow xubinnimada baarlamaan waa aqoonyahan ku xeel dheer dhinaca saxaafadda iyo qalinka, waxaanu kamid ahaa raggii doorka shariifka kasoo qaatay hanaqaadka saxaafadda Somaliland taniyo bilawgeedii, isaga oo kaalin wax ku ool ah ku lahaa gardaadintii xorriyatul-qawlka Somaliland, raad-barashadiisii, illaa ra’yi dhiibashadiisu gaashaan-qaaday.

 Axmed Ducaalle ayaa noqonaya xildhibaankii ugu horreeyey ee shaaciyay in uu u tartamayo xilka ku xigeenka koowaad ee guddoonka golaha wakiillada.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here