“Waxa La Go’aamiyay In Liiskii Guddi Hawleedkii Soo Baxay, Uu Ahaa Mid Aan Dhammays Tirnayn, Sidaa Daraadeed Waa La Hakiyay, Mana Hawl Galayso”
Akhri: Wareegto Sababaysan Oo Shalay Uu Guddoomiyaha Ku-meelgaadhka Ah EE WADDANI Ku Joojiyey 125 qof Oo Xubno Ka Ah Guddiyo Uu Cabdiraxmaan-cirro Hawl-geliyey
Hargaysa(Hubaal) – Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa hakiyay liiska guddiyo Xisbigu magacaabay. War-saxafadeed uu ku saxeexanyahay Guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Cabdiqaadir Xaaji Ismaciil Jirde ayaa lagu hakiyay liiska guddiyadaas, oo uu hore u soo saaray Murashaxa xisbigaasi Md. Cabdiraxmaan Cirro. Waxaana Md. Cabdiqaadir Jirde uu kutilmaamay guddi hawleedyadan kuwo u baahan qabyo tir iyo iftiimin qorshaha ay ku hawlayaan,sidaasi darteedna aanay xilligan haboonayn hawlgalintoodu. “Kadib markii aan la tashaday Murrashaxa Xisbiga, oo xiligan ku maqan gudashada waajibaadka Xajka, markii aanu isla qaadanay in dib u eegis iyo sixitaan lagu sameeyo guddiyadii la magacaabay, waxa la go’aamiyay in liiskii guddi hawleedkii soo baxay, uu ahaa mid aan dhammays tirnayn, isla markaana qaybo kala duwani ka dhinayeen, sidaa daraadeed guddidaas waa la hakiyay, mana hawl galayso ilaa la dhammays tiraayo”. Sidaas ayuu yidhi Xil. Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jirde, Guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI.
Waa immisa kooxood guddi hawleedyadani?, Milicso warsaxaafadeedkii uu Cabdiraxmaan Cirro ku magacaaban guddidan, ee shalay guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbigaasi hakiyey.
28-kii bishan dhammaatay ee August, 2017-ka ayaa war-saxaafadeed ka kooban saddex bog oo xarunta xisbiga WADDANI kasoo baxday digreeto uu guddoomiyaha xilligan ee xisbigaasi ahna murashaxa madaxweynaha WADDANi ku magacaabayo guddi howleedyo ka kooban 9 Qaybood oo uu sheegay in ay qaabilsanaan doonaan qorshaynta, qaabaynta iyo dhaqaajinta hawlaha horyaala xisbiga Waddani, si loo xaiijiyo himilada xisbiga WADDANI. Xubnaha ku magacaaban Guddi Hawleedyadan uu Cabdiqaadir Jirde hakiyey ayaa tiradoodu dhan tahay 125 qof, kuwaas oo u kala hormaysan sidan:
Guddiga Hawlaha Guud oo 11 xubnood ka kooban, Guddiga Khayraadka Dabiiciga ah oo 10 xubnood ah, Guddiga Abaabulka Iyo Xidhiidhka Gobollada: 15 xubnood, Guddiga Caddaalada: 14 xubnood, Guddiga Siyaasadda iyo Arimaha Dibada: 14 xubnood, Guddiga Arimaha Gudaha iyo Difaaca: 12 xubnood, Guddiga Arrimaha Bulshada: 15 xubnood, Guddiga Dhaqaalaha: 16 xubnood, Guddiga Warbaahinta iyo Wacyigelinta: 14 xubnood.
Waxaana War-saxaafadeedkaas lagu magacaabay guddiyadan oo dhamays tiran uu u dhignaa sidan:-
“Markaan darsay Qodobka 30aad Farqaddiisa 7aad iyo xeerka xisbiga WADDANI
Markaan arkay Baahida loo qabo in la sameeyo guddi hawleedyo.
Markaan la tashaday: Xubnaha Hoggaanka xisbiga Waddani
Markaan ku qancay: Muhiimadda ay leedahay in la dardar galiyo hawlaha xisbiga.
Maadaama dalku galay wakhti doorasho iyo olole (campaign), loona baahan yahay dedaal iyo dardar-galin waxaan maanta oo taariikhdu tahay 25th August 2017 magacaabay guddi hawleedyo u xil-saaran qorshaynta, qaabaynta iyo dhaqaajinta hawlaha horyaala xisbiga Waddani, si loo xaiijiyo himilada xisbiga ee ah Isbeddel Caddaalad iyo Horumar ku dhisan.
Guddiga Warbaahinta iyo Wacyigelinta
- Md Cali Sheekh Ibraahim Aareeye
- Marwo Milgo Maxamed Cilmi
- Xil. Ibraahim Mahdi Buubaa
- Muniir Axmed Cigaal
- Md Cabdisalaan Maxamuud Ducaale
- Marwo Saado Jaamac Aadan (Saado-dheer)
- Md Jamaal Xuseen Hurre
8 Md Cali Axmed Kooshin
- Maxamed Sidiiq Cabdilaahi
- Md Aadan Maxamed Ibraahin
- Md Cabdi Aw Siciid Cawaale
- Marwo Faadumo Aadan Cawad
- Maxamed Jaamac Abgaal
- Mawliid Maxamed Muumin.
Guddiga Dhaqaalaha
- Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed
- Md Xirsi Cali Xaaji Xasan
- Md Jamaal Jaamac Xaamud
- Kayse Cali Geeddi
- Md Xasan Xuseen Codyare
- Md Cali Cabdi Saa’iq
- Marwo Faadumo Suudi Xasan
- Dr Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare)
- Md Axmed Xuseen Fagfagaash
- Marwo Qadan Maxamed Cismaan (Qadan-hoodo)
- Md Bashiir Cabdi Xariir
- Md Siciid Sulub Maxamed
- Md Cabdifataax Xuseen (Gamaameeye)
- Marwo Kaltuun Maxamuud Xuseen
- Marwo Filsan Cabdiraxmaan
- Md Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac.
Guddiga Arrimaha Bulshada
- Prof. Qaasim Sh. Ibraahin Tubeec
- Md Muuse Cabdilaahi Nuur
- Md Aadan Sul. Cabdiraxmaan Sul. Diiriye
- Md Yuusuf Khaliif Axmed
- Dr Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog)
- Md Aadan Cabdilaahi Dhagayare
- Md Faarax Cilmi Geedoole
- Dr Idiris Aadan Cali
- Md Cali Cabdilaahi Dagaal
- Md Maxamed Cali Qase
- Md Maxamed Muuse Cabdi (Galaydh)
- Md Yoonis Axmed Yoonis
- Marwo Maryan Maxamuud Dirir
- Md Maxamed Muuse Tiyo
- Md Jaamac Maxamed Hilaac.
Guddiga Arimaha Gudaha iyo Difaaca
- Md Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro)
- Md Axmed Jaambiir Suldaan
- Md Ismaaciil Aadan Cismaan
- Md Maxamed Nuur Caraale Duur
- Md Xasan Maxamuud Maxamed (Dhiilood)
- Md Ibraahin Ducaale Boos
- Md Cabdirashiid Macalin Muuse
- Xil Cali Xaaji Maxamed Muuse
- Md Aftax Siciid Jaambiir
- Marwo Foosiya Kayse Faarax
- Md Cabdiraxmaan Axmed Ilkacase
- Md Axmed Maxamed Cali (Axmed Naasir).
Guddiga Siyaasadda iyo Arimaha Dibada
- Md Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde
- Md Maxamed Biixi Yoonis
- Md Ismaaciil Hurre Buubaa
- Dr Maxamed Cismaan Fadal
- Amb. Cali Aadan Cawaale
- Md Maxamed-wali Cali Xasan
- Md Maxamed Haaruun Biixi
- Md Axmed Cabdilaahi Cawaale
- Md Mawliid Waris Cabdilaahi
- Md Maxamed Cali Aw Cabdi
- Marwo Suhuur Xasan Abiib
- Marwo Safiya Cumar Faarax
- Marwo Faadumo Siciid Ibraahin
- Md Cabdiraxmaan Maxamed Magan
Guddiga Caddaalada
- Md Maxamed Cabdilaahi Uurcadde
- Md Xuseen Axmed Caydiid
- Md Barkhad Jaamac Xirsi
- Xil. Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle
- Md Axmed Cabdilaahi Al-imaam
- Md Cabdi Guuleed Gaboobe
- Md Maxamed Xirsi Ismaaciil
- Dr Maxamed Siciid Gacamay
- Md Maxamed Saalax Cige
- Marwo Ifraax Xiis Kaahin
- Md Baashe Yuusuf Axmed
- Md Maxamed Cali Suudi
13 Marwo. Kinsi Xuseen Qawdhan
- Md. Axmed Yuusuf Nuur (Guruuje)
Guddiga Abaabulka Iyo Xidhiidhka Gobollada
- Md Abiib Diiriye Nuur (Timacadde)
- Xil. Baar Siciid Faarax
- Md Axmed Cabdilaahi Xamarje
- Md Muuse Yuusuf Raabbi
- Md Cabdilaahi Axmed Daamur
- Md Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare)
- Md Xamse Cabdiraxmaan Khayre
- Md Cabdiraxmaan Jaamac Maxamed (Taarwale)
- Md Siciid Xaashi Cali Wayd
- Md Naasir Beddel Ismaaciil
- Md Siciid Muuse Cabdi (Bustaale)
- Md Xuseen Aadan Cadde
- Md Idiris Cabdi Maxamed
- Cali Axmed Cabdi (Cartan)
- Md Cismaan Afgaab Nuur
Guddiga Khayraadka Dabiiciga ah
- Md Maxamed Baaruud Cali
- Md Cismaan Aw Aadan Faarax
- Md Aadan Axmed Warsame
- Md Maxamed Xuseen Siciid
- Sh. Saleebaan Sh. Cabdilaahi Muuse
- Md Daa’uud Xuseen Jaamac (Foodcadde)
- Md Cabdirisaaq Daahir Jaamac
- Md Cabdilaahi Digaale Cali
- Md Cawil Cabdi Xasan
10 Marwo Amran Xaashi Cabdi
Guddiga Hawlaha Guud
- Md Cabdi Haybe Maxamed
- Md Xasan Cismaan Aw Aadan (Sabce)
- Md Nuuradiin Ibraahin Aw Cabdi (Diini)
- Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Axmed
- Mubaarig Cabdi Xasan
- Marwo Amaal Cabdiraxmaan Warfaa
- Md Maxamed Yuusuf Cabdi (Mataan)
- Marwo Ayaan Axmed Baashe
- Marwo. Khadiija Xaaji Ismaaciil Bandare
- Marwo. Caasha Maxamuud Dage
- Md Cabdiwali Maxamuud Faarax Budhyare).