- M. Yaasiin Oo Huriyey Digo Hoosta Ka Nool Oo Guddoomiye Saleebaan Carmo Ku Daday Iyo Saamaynta Togan Ee Golaha Ay Ku yeelan Karto
“ Guurtidu Waa Gole Uu Nin Kasta Oo Mudane Ahi Afkaartiisa Si Madax Banaan U Soo Jeedin Karo, Ma Doonayo, Ma Ogoli, Raallina Kama Ihi In Shakhsi Ila Mid ahi Inuu Yidhaa Waan Ku Metelayaa”
Hargeysa(Hubaal)- Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka mid ah Mudanayaasha Aqalka Golaha Guurtida Somaliland ayaa naqdiyey sharciyadda uu Guddoomiyaha golahaasi ku magacaabay Afhayeenka Guurtida, kaas oo uu Md. Dheeg Sheegay in aanay haba yaraatee meelna sharciyadda kaga jirin magacaabistaasi. Xildhibaab Dheeg oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa waxa uu saxaafadda lafteeda ku canaantay in ay u hogaansamaan xilkaasi Md. Saleebaan Gaal u magacaabay Xildhibaan Cabdiqaadir MAxamed Xasan (Indho-indho) inuu ahaado Afhayeenka golaha Guurtida. “Maalintii aanu muddo kordhinta samaynay waxa laga joogaa muddo badan illaa xilligaasna nin ayaa idiin sheegan jiray [saxaafadda] afhayeenka golaha guurtida Somaliland” sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Dheeg, waxaanu intaa ku daray “Gole kasta oo baarlamaan afhayeenkoodu waa gudoomiyahooda, qof aanu goluhu dooranna ma sheegan karo afhayeen, waayo waxa afhayeen gole baarlamaana ah guddoomiyaha golahaasi”. Xildhibaan Dheeg oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Golaha guurtidu waa gole madax banaan oo nin kasta oo mudane ahi uu afkaartiisa iyo aragtidiisa si madax banaan u soo jeedin karo laakiin ma aha in nin aanaan doorani uu suuqa la wareegaysto , Mana aha mid na qabata, mid laga dhegeysanayana maaha, waayo caalamka oo dhan afhayeenka baarlamanaanku waa gudoomiyahooda ama shir guddoonkooda”. Waxa kale oo Md. Dheeg ka hadlay afcaasha xildhibaan Cabdiqaadir Indho oo uu sheegay in ay hoos u dhigeen go’aankii Muddo kordhinta la xidhiidhay ee golaha guurtida, waxaana isaga oo Dheeg daba socda hadal kasoo yeedhay Mr. Indho oo la xidhiidha in ay maxakamad la tegayaan xalaalaynta go;aankii guurtida uu yidhi “Arrinta kale ee aanu ka damqanay waxa weeyaan go’aankayagii 72-ka nin ka go’aan gaadheen oo dabcay durba sidii uu ula wareegaysanayey suuqa ee uu u lahaa afhayeenkii ayaan ahay oo cid ayaaan uu leeyahay cid ayaan maxkamad keenayaa oo uu leeyahay cid ayaan ku xidh xidhayaa.” “Waxaanu nahay gole miisaan leh oo aan la murmin guddida doorashoyinka iyo xisbi mucaarid ah toona hana caayaan iyagu waxay doonaana hanaga sheegaan, go’aankayagii golaha guurtidana waxa laga hadli karaa marka la helo nin leh waa bilaa sharci oo maxkamada sare geeya oo yidhaa wixii golahaas ka soo baxay waa bilaa sharci markaana qof kale uma jawaabayo ee shirgudonkayaga ayaa jawaabta siinaya haddii uu qancin kari waayana golaha ayaa la soo hor dhigayaa oo laga doodayaa, markaas ayaana laga jawaabi karaa go,aankii goluhu gaadhay laakiin wad wadkiisa ayaad moodaa inuu naga dabciyey oo meelo badan laga soo galay go’aankayagii. Ma doonayno mana fiicna raalina kama nihin, aniguna shakhsiyan golaha ayaan ka mid ahay mana ogola shakhsi ila mid ah oo aanan u dhiiban afkaartayga inuu yidhaa waan matalayaa, golaha guurtida waxa magaciisa ku hadli kara gudoomiyaha golaha, waxaan ka maqlay gudoomiyaha ayaa I magacaabay gudoomiyuhu haddii uu xilkiisa gudan waayey nooma magacaabi karo qof kale waana inuu yidha waxa uu afhayeen u yahay aniga(gudoomiyaha) ama shir gudoonka.” Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) ayaa ka mid ah xildhibaannada faro ku tiriska ah ee ka jooga xubnihii lagu bilaabay golaha guurtida markii la aasaasay, isaga oo la soo caano maalay badiba madaxweyneyaashii dalka soo maray marka laga reebo madaxweynihii u horeeyey, waxaana Mudanahan lagu sifeeyaa inuu saaxiib dhaw la yeesho hadba xukuumadda ama maamulka dalka ka taliya isaga oo gaashaan uga noqda hadba mucaaradka ka soo jeeda maamulkaasi. Si kale haddii loo dhigo waxa uu si adag u difaacaa mashaariicda sharci ee golahiisa uga yimaada dhinaca xukuumada talada haysa. Dadka aqoonta u leh md. Dheeg waxa ay ku tilmaamaan muxaafid maro ku dheg ah oo isagu si dadban iyo si daalacanba u difaaca. Waxa lagu xasuustaa Xukuumaddii ka horeysay tan immika xilka haysa ee uu hoggaamin jiray Madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale waxa uu Xildhibaan dheeg ku suntanaa xubnihii kasoo hor jeedi jiray qorshihii mucaaridnimo ee xisbigii uu hogaaminayay Madaxweynaha hadda xilka haya ee KULMIYA oo xildhibaanku mar walba toosh iftiin badan la daba geli jiray asxaabta mucaaridka ahayd. Taas beddelkeeda markii Xisbiga KULMIYE talada la wareegay ee Md. Siilaanyo kursiga ku fadhiistay waxa Md. Dheeg uu isla markiiba jillaabta sudhay Xukuumaddii xilka wareegtay, taas oo uu illaa waqtigan shidhka u saaran yahay.