Xil. Dheeg Oo Markii U Horeysay Naqdiyey Arrimo Uu Hore Xukuumadda Ugu Taageeri Jiray Oo Xilligan Fool-xumooyin Ula Muuqday

0
75

Waxa Uu Ka Hadlay Asbaabta Uu Uga Baxay Xisbiga KULMIYE Iyo Saamiga Shaqaalaha Qaranka

“Nin Weyn Oo Diday Maaha In Uu Iska Aamuso’e Waa In Uu Dadka U Sheegaa Waxa Uu Ka Booday, Hadaad Taliso Oo Waxba Lagaa Maqli Waayana Waa In Aad Sheegtaa In Lagu Diiday”

************

”Waxaan Tiriyey Shaqaalaha Madaarka Oo Boqol Iyo Toban Ka Mid ahi Waa Reerka La Yidhaahdo…… Shan Meelood Oo Madaarka Looga Taliyana, Afar Bay Madax Ka Yihiin”

 xildhibaan dheeg

Hargaysa:(Hubaal)- Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin [ Dheeg] oo ka tirsan Golaha Guurtida JSL,ayaa markii ugu horaysay si furan uga hadlay sababihii uu uga baxay Xisbiga KULMIYE oo uu hore ugu abtirsan jiray.Waxa uu Xildhibaanku sheegay in kadib markii dhegaha laga furaystay cabashooyin uu u gudbiyey Mas’uuliyiinta qaranka iyo talooyin uu  u jeediyay xukuumadda. Xil. Dheeg

Xildhibaan Dheeg Oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu Majaro-habaabay Hankii Umadda ee ahaa inuu Dalku Ictiraaf iyo Horumar wax-ku-ool ah gaadho,  “Waxaan maanta [Shalay] idiinku yeedhay Tafsiirkii Nin-weyn oo diday dee waxa uu ka diday waa in uu Dadka u sheegaa, in uu iska aamusa uun maaha, markaas waxay ila noqotay in aan caddeeyo waxa aan kasoo booday. In badan baanu kusoo tacabnay Somaliland, Madaxweyna-yaashii iskaga danbeeyay Somaliland mid walba waan lasoo shaqeeyay, wali mid aan ka booday oo aan hayn kari waayay sida uu u shaqaynayo tan baa jirta.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaanku, waxaanu intaa ku dararay “Haddaad la taliso oo la taliso oo waxba lagaa maqli waayo, dee waa inaad in lagu diiday sheegtaa. Waxa weeye Somaliland geedi bay ahayd, waxay u geedi ahayd inay guri barwaaqo oo nabad ah degto,oo guri ay Ictiraaf ku sugto ay degto, waxaan u arkay in aanu degnay Degalkii ay Qabyaaladdu yuururtay. ILAAHAY naga saaran waanu leenahay. waxaan is idhi markaas noocaas dadka haw qarinin, hana ku dhex jirin oo uga bax intaanay kuugu dumin”.ayuu yidhi Xil. Dheeg.

Dhinaca kalena,waxa uu ka hadlay Xaaladda Madaarka Hargaysa iyo Masuuliyiin Jeebka ku shubtay Lacago dhul bada lagu siinayay Dhulkii ay deganayeen oo Madaarka looga qaaday “Halkan waxa ka samaysan Madaar Somaliland oo dhammi leedahay oo Caasimadda ku yaalla,Madaarkaas waxa la keenay Niman Tijaar ah oo reer Kuwait ah oo yidhi waanu idiin samaynaynaa. Madaarka dhul lagu kordhinayo oo dherar iyo balac iskugu jira uu u baahnaa,intaba inuu dad degan yahay ayaa loo sheegay, may odhan dadka noo booba,waxa lagula heshiiyay in dhulkaas Dadka loo badalayo,isla markaasna Madaarka loo iibinayo,waana loo iibiyay Lacagtiina waa laga soo qaaday Dawladda Kuwayt.Dadkii waxa loo sameeyay koox Deegaanka ah oo u cago-juglaysa oo tidhaahda;dhulka idiinkaa leh,shaqaalahu idinkay noqonayaan, waa Madaarkiinii ee bixiya, badna Xoog baa lagaga qaaday, badhna waxa loo balan qaaday in Lacagtii la siinayo, Lacagtaasna Jeebkaa lagu shubtay hal Cent laga siin dadkii.Dadkaasi waa agoon,waa Masaakiin, waa Odayaal, Ingiriiskii oon iman halkaas oo Diyaarad-ba lahayn, ayay degeen meesha, dadkiina sidii ayay u taagan yihiin, waxaana la damcay sida loo leeyahay Dawladdaad ku leedihiin, inay meeshaba ka baxaan oo Dawladd kale timaado oo la yidhaahdo maxaad sheegaysaan. Dadkii sidiibay u faro madhan yihiin Dhulkii Booliga ahaana waataas Diyaaraddu ka kacaysa ee Dadka laga qaadayo.waxaan soo tiriyay Shaqaalaha meesha 1010 (Boqol iyo Toban) qof ayaa waa reerka Habar-jeclo la yidhaahdo. Shan meeloodbaa Madaarka looga taliyaa,afar bay ka madax-yihiin, waana Booliska, Baanka, Baratakoolka, Nabad-galyadda ,VIP-da.waa Maareeye Ku-xigeenka. intaasba iyagaa leh. Dadkii la-lahaa shaqaalaha idinkaa noqonaya Boqolkiiba waa hal 1%. Waxaan leeyahay Dadkiisi waxiisii Aduunkana wey ku doonayaan, aakhirina ILAAHAY ka lumin maayo  oo luxudka ayay idiin Fadhiyaan”.

Ugu danbayntiina waxa uu farta ku fiiqay heerka Qablaayadda iyo Boobka Hantidda Umaddu Dalka ka marayo “Maanta waxa uu Boobka Hantidda Umadda iyo Qabyaaladu maraysaa in meeshii wale e Shilin kasoo baxayaba Reer qudha la siiyo.In Shirkaddo cusub waagii baryaba la sameeyo.Imika waxa la yidhi Shirkaddo ayaa la siiyay Haamihii Shidaalka,shirkaddaas waxa ku jira qaar cusub oo reerkaasi leeyahay oo aynaan waligoodba hore u maqal oo imika la sameeyay”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here