“Waxa wa lala yaabo ah waxa beddelay 27-kii xildhibaan ee aanu isku ogayn……”
Hargeysa(Hubaal):- Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddiga Dabaggalka Hantida Qaranka iyo la-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Golahaas, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la baadho oo dhaqso loo ogaado Cidda Maamusha Laabka lagu baadho Tayada Shidaalka Somaliland la keeno ee lagu Shubayo Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera.
“Imika arrintan shidaalka waxa keentay hay’ad, yaa ka masuul ah baadhitaankeeda? Ma dawladda ayaa masuul ka ah mise shirkadda keentay mise cid kale oo gaar ah ayaa ka masuul ah? Waa in la ogaadaa cidda ka masuulka ah laabkan meesha yaala, ilayn shirkaddu qaldanto oo shidaalkan keentay, laabka ayay tahay inuu qabto intaan haamaha laysla imanba. Ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Waxaanu intaasi ku daray waxa loo baahan yahay haday dawladdu maamusho, dawladda waajibaadkeedu waxa uu yahay inaan haamaha lagu shubin shidaal aanay soo baadhin tayadiisa.
Xildhibaanku waxa kale oo uu ka hadlay mooshin ka dhan ah shirkaddaha gacanta ku haya keydka haamaha shidaalka oo dhawaan qaar mudanayaasha golaha wakiillada kamid ahi ay hor keeneen golahaasi. Mooshinkaasi oo markii dambe goluhu u codeeyay inay inay gacanta kusii hayaan shirkaddahaasi maamula keyda haamaha shidaalku. Isagoo xildhibaanku ka hadlaya arrintaasi ayaa waxa uu yidhi; “marka hore mooshinkii yaalay hagaldaac kumuu iman, sidiisii buu u yaalaa wax burinaya oo lagadabageeyay kii hore oo la leeyahay waanu burinay horta meesha ma taalo. Waxaan ummadda u bayaaminayaa oo aan xildhibaannada golaha u iftiiminayaa, mooshinku muu ahayn mid beddelaya kii hora. Hadaba siduu u eekaanayaa ayaa meesha taala xildhibaannadii ka codeeyay waxaabay uga codeyn karaan inaanba lagadabageyn kii hore ee kiisii hore daaya la leeyahay, kaasi waa qodob. Ta xildhibaannada timid, runtii dee xildhibaanku dooda wuu isku beddeli karaa, oo meeshu waa gole oo waa la doodayaa laysna qancinayaa, imika markaan mooshinkii dhigo dood baa furmaysa, todoba iyo labaatan baanu nahay oo kaliya oo laba iyo sideetanka xildhibaan baanu doonayna inaanu qancino, qaar naga mid ahi way qanci karaan, dooda way ku qanci karaan marka farta la taagayo, laakiin arrintan aan maalintii anigu aan ka cudurdaartay ama jecelahay in baadhitaan aanu ku samayna, waxay tahay, xildhibaan mooshn saxeexay oo mooshinkii dhigay oo aan doodi dhicin ee wixii ku xigay noqday cod ee ka baxay, waa taas halka aynu u baahan nahay ee aan lahaa baahitaan halagu sameeyo waxa ay xildhibaannadu isu bedbeddelayaan, waanan aaminsanahay in lakala doodi karo, laysku raaci karo, doodaada waad igu qancin kartaa, taadana waan raaci karaa, laakiin mooshin lay ii diray oo aan fagaaraha la fuulay oo kii I diray ee ila saxeexay uu farta taagi kari waayay markii farta taaga layidhi, waa halkaa halka u baahan in qaranku baadho in shacaku baadho in suxufigu baadho.” Ayuu ksuoo afmeeray hadalkiisa