Xil. Rayte Oo Iska Casilay Guddi Laf-dhabar U Ahaa Golaha Wakiillada Oo uu Madax U Ahaa Iyo Sababta Kelliftay Istiqaalladiisa

0
21

Guddigani Waxa Uu Ka Mid Ahaa Guddiyada Ugu Muhiimsan Ee Uu Golaha Wakiilladu U Qaybsan Yahay

Hargeysa (Hubaal) Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) ayaa sheegay inuu iska casilay xilka guddoomiyaha Guddida Arrimaha gudaha, nabadgelyada iyo difaaca ee golaha wakiilladda Somaliland. Xildhibaan Rayte oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa sababta iscasilaadiisa ku macneeyay, xil-gudasho la’aan iyo sida uu sheegay guddida oo gudan waayay waajibaadkiisii.

“Waxan iska casilay xilkii guddoomiyaha Guddida Arrimaha gudaha, nabadgelyada iyo difaaca ee golaha wakiilladda Somaliland. Sababta aan iskaga casilay waxa ugu weyn oo ugu horeeya, gudigii oo gudan waayay waajibaadkiisii golaha uu ku lahaa ee distooriga ahaa.” Ayuu yidhi Mr. Rayte

Xildhibaan rayte oo sharaxay shaqada uu gudigaasi hayo, iyo muhiimada ay leeyihiin ayaa yidhi; “gudigani waxa uu hayaa xeerar badan oo muhiim ah, waxa ugu horeeya xeerka doorashada golaha wakiillada, xeerka doorashada golaha deegaanka, wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerka diiwaangelinta, xeerka ismaamulka gobollada iyo degmooyinka. Xeerarkaasi waa xeerar qaranka muhiim u ah, waa xeerar u baahan wax-ka-badal iyo kaabis iyo horumarin aad u balaadhan. Waa xeerar u baahan wadatashi, kawadaqaybgal cid kasta oo daneeyeyaal ah iyo cidkasta oo wax ku kordhin karta, cid kasta oo waayoaragnimo iyo khibrad leh. Runtii waa xeerar u baahan shaqo aad u fara badan oo farsamo iyo aqoonba u baahan.” Ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte).

Guddida arrimaha guddaha, nabadgalyada iyo difaaca ee golaha wakiilladda, waxa uu kamid yahay guddiyada ugu muhiimsan ee uu u qaybsan yahay golaha wakiillada Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here