Xil. Saleebaan Cali Koorre Oo Kalsooni Saddex Geesood Ah U Helay Hanashada Kursiga Ra’iisal-baarlamaanka

0
79

GUDAHA KA AKHRI: Loollan Adag Oo  Labadii Caano Maal Ee U Dembeeyey Lagu Kala Calaf Qaaday

Xil. Saleebaan Cali Koorre Oo Kalsooni Saddex Geesood Ah U Helay Hanashada Kursiga Ra’iisal-baarlamaanka

Hargeysa (Hubaal) – Loollan adag oo maalmihii la soo dhaafay ka dhex oognaa golaha wakiillada, kaasi oo nuxurkiisu yahay cidda noqonaysa guddoomiyaha golaha wakiillada kadib marka uu meesha ka baxo guddoomiyaha xilligan goluhu leeyahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo isagu shaaciyey in si uu ugu madax banaannaado  hawlaha xisbigiisa WADDANI ayaa  wararkii u dembeeyey ee wargeyska HUBAAK ka helay labadii caanomaal ee la soo dhaafay waxaa ay tibaaxeen in uu meel adag marayo.

Loollanka buuxinta kursigan shirguddoonka  oo ay tartan u galeen  xildhibaanno tiro ah oo iyagu deegaan ahaan kasoo jeeda bariga Somaliland  oo iyaga siyaasad ahaan ay jilayaasha siyaaddu isku waafaqeen in saamigii talo qaybsiga somaliland oo ay tobankii sanno ee u dembeeyey ka qatanaayeen u qaataan kursiga ra’iisal baarlamaanka ayaa  waxaa tartan xoogani ku dhex maray xildhibaanno golaha ka tirsan kuwaasi oo ololahoodu gaadhay heer aqlabiyada golaha ku kala calaf qaataan.

Yaa  Isu sharraxay jagadan, yaase isugu soo hadhay ?

koorre iyo hawlo badanXildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koorre, Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi (Hawlo-badan), iyo xildhibaano kale ayaa markii u horeysay u loollamay jagadan, waxaase  wararka HUBAAL  uu helay ay sheegayaan in Xil,. Saleebaan Cali Koorre uu  aqlabiyada golaha oo ay dheertay taageerrada xukuumaddu u haysto  hanashada kursigan, isaga oo dadka u dhuun daloolaa ay  hanashadiisa sheegayaan in xagga fursadaha uu ka horreeyo xildhibaannada kale ee loollanka kula jira kuwaas oo Xildhibaan Siciid M. Cilmi ka mid yahay, waxaana dadkani ay asbaab uga dhigeen fursadaha uu ka horreeyo xildhibaankan ugu horeyn isaga oo haysta rabitaankii shacbiyadda deegaanka bariga somaliland ee uu metelo, walow ay labadan xildhibaan deegaan ahaan isku raas yihiin haddana warku waxaa u intaa ku darayaa  in xuquuq ahaan jufada xildhibaan  Siciid Maxamed Cilmi ay haystaan mansabyo dheeraad ah oo aan ahayn xilkan ra’iisal baarlamaanka, mansabyadaas waxaa kamida h wasiirka biyaha Md. Baashe Cali Jaamac iyo baadhasaabka Hargerysa Maxamuud Jeeni yare, kuwaas oo labadooduba ka soo jeeda jufada Siciid Maxamed Cilmi, taasina waxaa ay dheeraynaysaa kuyuuga xil qabashada ee Xil. Siciid, waxaanay beddelkeeda ay fursad siinaysaa Xil. Saleebaan Cali Koorre oo isaga jufada uu kasoo jeedaa aanay wax xilal ah ka hayn qaranka.

Warku waxaa uu intaa ku darayaa in 24kii saacadood ee  u dembeeyey ay beel ahaan, xukuumad ahaan iyo gole ahaanba uu 95%  rejada guusha Saleebaan Koorre ay ka sarrayso Xildhibaan Siciid Hawlo badan oo isaga aan dhaqdhaqaaqiisu yarayn haddana shuruudaha uu ku kasban lahaa xilkan aanu buuxin karin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here