Xil-wareejin Ka Dhacday Burco Oo Weedho Xinjiro-fajaas Ah Laysku Weydaarsaday Iyo Maayarka Oo Dar-jiidhay

0
139

Badhassaabka Gobolka Togdheer Oo U Caqli-celiyey Mas’uuliyiin Hadallo Xanaf Leh Ka Jeediyey Madasha, Talanna Faraqa Ugu Guntay

 

Burco(Hubaal) Maareeyaha cusub ee Wakaaladda Biyaha Burco ayaa la wareegay xilkii wakaaladdaasi, kadib markii dhawaan loo soo magacaabay, waxaanu xilka kula wareegay xaflad balaadhan oo uu Maareeyihii hore ku sagootiyey Eedo Maaliyadeed wasiirka wasaaradda Biyaha Somaliland. Maareeyihii hore ee wakaaladda Biyaha Burco Fadxi Axmed Cabdi ayaa sheegay wakaaladda in uu dib dhab weyni ku yimi, waxaanu Eeda arrintaas dusha ka saaray wasaaradda Biyaha oo maamusha wakaaladda, isagoo ku tilmaamay wax ay ka qaado mooyaane inaanay waxba galin. Fadxi Axmed Maareeyaha hore waxa uu sheegay in uu wasiirka Biyuhu ka qaado lacag soddon milyan oo shilling Somaliland ah, taasoo uu ku sheegay in uu ku qaato Digreeto uu u soo qoray, isaoo sheegay inay lacagtaasi Jeebkiisa ku dhacdo. Waxyaabaha kale ee uu ku Eedeeyey wasiiradda waxa ka mid ah Mishiino ay wakaaladdu leedahay, kuwaas oo uu sheegay in la yidhi waa la soo celinayaa, balse aan illaa hada la soo celin. Sidoo kale, waxa uu Maareeyaha hore Eedeeyey maamuladda Gobolka iyo kuwa Dawladda hoose oo uu sheegay inaanay bixin Biilasha wakaaladda ay ka isticmaalaan, kuwaas oo aanay gabi ahaanba soo bixin. Maayarka Burco oo ka hadlay munaasibadda xil wareejinta ayaa qirtay Daynta maareeyuhu sheegay inay wakaaladdu ku leedahay dawladda hoose, wallow uu sheegay inay iyana wakaaladda wax ku leeyihiin. Maayarka Burco waxa uu Maareeyaha cusub ku amray inaanu bixin lacagtaas wasaaradda Biyuhu ka qaadan jirtaya wakaaladda Biyaha Burco, isagoo sheegay wasiirka laba Bilood u hadhsan tahay inaanay jirin sabab 30-kaa Milyan loo siiyaa. Badhasaabka Gobolka Togdheer Ramaax oo ka hadlay munaasibadaasi ayaa sheegay inaanay haboonayn in madasha laga sheego qaladaadka Xukuumaddu gashay oo uu qiray inay ahayd in si hoose loo xaliyo, balse waxa uu ka marag kacay Daymahaas ay wakaaladdu ku leedahay hay’addaha Dawladda ee gobolka, kuwaas oo uu ugu baaqay inay soo bixiyaan Daymaha, marka laga reebo Cisbitaalka, Masaajidada iyo meelo kale. Agaasimaha Guud ee wasaaradda Biyaha ayaa madasha ka sheegay in wixii aan sifo sharci ah soo marine e ka maqan wakaaladda aan la dhaafi doonin cidda ay ku maqan tahay iyo cidda bixisayba, waxaanu sheegay in wasiirkii hore ee Baashe Cali Jaamac uu soddonka Milyan qoraal ugu soo gudbiyey Maareeyaha.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here