Muqdisho(Hubaal) Kooxo hubeysan ayaa Goor-dhow ku dilay Muqdisho Xildhibaan Cabdullaahi Khayraad Barre oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, xilli maanta lagu waday in codaka kalsoonida ah loo qaado xukuumaddii uu dhawaan soo dhisay ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.
Xildhibaanka ayaa lagu dilay gurigiisa hortiisa xilli uu kasoo baxay gurigiisa; isagoo ku socday baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo kooxaha dilka geystay ay goobta ka baxsadeen.
Dilka xildhibaanka ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay xoghayaha guud ee baarlamaanka Soomaaliya, C/kariin Xaaji Buux, isagoo ka mid noqonaya tiro xildhibaanno ah oo horay loogu dilay Muqdisho.
Illaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha amniga dowlada oo ku saabsan dilka xildhibaanka, iyadoo sidoo kalena aysan jirin cid weli sheegatay mas’uuliyadda dilka xildhibaankan ka tirsanaa baarlamaanka.