Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo Ka Hadlay Ictiraafka Somaliland, Fariinna U Diray Soomaaliya

0
8

Hargeysa (Hubaal) Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa soo dhaweeyay dedaallada socda ee madaxbannaanida loogu raadinayo Somaliland. Barkhad Batuun ayaa bartiisa Facebook-ga soo dhigay farriin kooban oo uu u diray madaxda iyo shacabka Somaliland, isagoo dhammaan dadka ka codsaday inay garab istaagaan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dhanka kale waxa uu farriin u diray xukuumadda federaalka ee Soomaaliya, oo uu sheegay inay tahay inay ka shaqeeyaan ammaanka shacabka magaalada Muqdisho oo aanay isku mashquulin Somaliland iyo ictiraafka ay baadigoobayso. Hadalka Barkhad ayaa imanaya xilli wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse Cali, la sheegay inuu Khadka taleefanka kula hadlay wasiirka arrimaha Afrika ee boqortooyada Ingiriiska, Vicky Ford.

Labada wasiir ayaa wadahadalkooda waxa ay diiradda ku saareen adkeynta cilaaqaadka iyo wadashaqeynta, iyadoo sidoo kale la isla soo qaadey ilaalinta iyo dhawrista midnimada ee labadda dal.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here