Ceerigaabo (Hubaal) Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali Bukhaari Oo kamid ah xildhibaanadda aqalka Wakiiladda ayaa dadka deegaanka gobolka SANAAG Ku booriyay inay doorkooda ka ciyaaraan horumarka Dhinaca wadooyinka ee ay Xukumadu ka midha dhalintiisa dhexda Uxidhatay
Xildhibaan Bukhaari waxa uu sidaasi ku sheegay Khudbad uu ka jeediyay Munaasibad Lagu Caleemasaarayay Suldaanka Guud ee Beelaha Sacadyonis oo maanta ka Dhacday Magaaladda Celefweyn waxanu Yidhi.
”Celefwayn waxay ku jirtaa degmooyinka Ugu Facaweyn Somaliland Dad banina ku nool yihiin maanta Gobolka horumar Baa Ka socda iyo in wadooyinka laga Dhigo waxa koowaad ee Wax laga qabto maadama oo gobolku ka cabanayay wada xumaan ilaa Ceerigaabo min xeeb ilaa Burco isku Xidha inbadan halkan waa laga hadlay oo waxa la balan qaaday xoolo markaa xoogeena haday tahay iyo xooleheena haday tahay wadada halka maraysa maanta ha loo guntado waa layna xantaa oo hargeysa markaan tago waxa la yidhaahdaa wadada waxa aad ku darsanaysaan oo muuqdaa ma jirto ”
Xildhibaan Bukhaaru waxa uu Shacbiga Gobolkiisa Sanaag Faray inay hiil iyo hooba isla barbartagaan Dhismaha Wadada Ceerigaabo Waxanu Yidhi
Fariintaan maanta Dirayaana waxa weeye Cuqaasha iyo suldaanka maanta La Doortayba iyo boqoradda waaweyne ee kalowba bulashadu maanta waa diyaar ee ku dhex dhaca oo ka ururiya waxqabadka iyo horumarkana kaga qayb qaata waa laydiin dhega jilicsanaanayaa Ee waxana idinku dhiiri gelin lahaa in Wadada Qalabkii iyo hawsheediba la Wado muruq maal iyo moodba laysla barbar taago