Hargeysa (Hubaal)-Xidhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) iyo Xoghaye ku xigeenka guud ee xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Md Naasir Qodax, ayaa dood telefishanka Horn Cable Tv u qabtay isku waydaarsaday hadal kulul, Xidhibaan Bukhaari ayaa xisbiga Ucid ku tilmaamay xisbi xaaran ku dhisan oo dadkii caadiga ahaa iska tageen, taasoo dabka ku sii shiday Xoghayaha xisbiga Ucid oo isaguna xildhibaan Bukhaari ku tilmaamay xildhibaan isagoo ingiriiska Huteel ka ah mid u soo shaqo doontay Somaliland.
Xoghayaha oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Xildhibaan Bukhaaroow adiga oo hudheele ka ahaa Ingiriiska ayaad siyaasada Somaliland u soo shaqo tagtay. Ucid-na kuuma baahna. Waxaase ayaan darro ah in xisbigii aad ka soo baxday ee Ucid aad hadana dib u caydo oo aad xaaraan ku tilmaanto”.Ayuu yidhi Cabdinaasir Qodax.
Dhinaca kale, Md.Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari),isaguna ka hadlay qaabka uu samaysan yahay xisbiga Ucid ayaa yidhi “”Xisbiga Ucid, qaabka uu u dhisan yahay waa qaab xaaraan ah, waxaa uu ku dhisan yahay qaab qabiil ah waxaad ka garan kartaa inamo yar yar oo Faysal adeer u yahay ayaa xilalkii oo dhanba cunaha isaga duubay, waxaa kow ka ah xoghaye ku xigeenka guud ee xisbiga Ucid Naasir Qodax, waa guddoomiye ku xigeen, waa afhayeen, waa xoghaye marka uu xisbigu uu u dhisan yahay qaab qabiil oo sidaas oo kale ah oo booskii aan qaban lahaa uu cunaha iskaga duubay, anigu waan iskaga baxay, dadkii caadiga ahaana way iskaga baxeen oo Ina Buubaa waa ka xisbi kale u daasad tumaaya, Ciro-na waa ka xisbi furtay, aniga maxaa la’ igu haystaa, haddii aan iskaga baxay”.Ayuu yidhi Xidhibaan Saleebaan Cawad Cali.