Xildhibaan Buubaa Oo Ka dareen celiyey Xilka Afhayeenimada Xisbiga WADDANI Ee Laga Qaaday

0
16

Xildhibaankii Sheegay Deynta Xukuumaddu La Wareegtay Oo Xilkii Laga Qaaday

Hargeysa (Hubaal) Dood badan ayaa ka dhalatay deyn la sheegay inay Xukuumadda Madaxweyne Biixi kala wareegtay Maamulkii Siilaanyo, taasoo qadarkeeda lagu sheegay $80 Milyan oo Dollar.

Arrintan oo aanay mar qudha sheegin masuuliyiinta Xukuumadda Madaxweyne Biixi, ayaa shalay waxa si lama filaan ah ugu dhawaaqay Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo kamida Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka, kaasoo hadalka jeediyey markii ay ka soo baxeen kulan uu Wasiirka Maaliyadu la yeeshay guddidaas.

Wasiirka Maaliyada Dr. Sacad Cali Shire oo markii Xildhibaanku warkan sheegay dhinac taagnaa ayaan beenin jiritaanka deynta ay Xukuumaddu la wareegtay, hase ahaatee Wasiirkii hore ee Maaliyada ee Xukuumaddii Siilaanyo Samsam Cabdi Aadan, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay Lacagtaasi.

Balse, iyadoo ay arrintaasi dhegaha Bulshada ka dhex guuxayso, ayaa waxa soo baxay war kale oo isna dareen iyo dood abuuray, kaasoo ah in Xildhibaan Ibraahim Buubaa uu xisbiga WADDANI oo uu ka tirsanaa xilkii Afhayeennimo ka qaaday, taasoo abuurtay dood kale oo iyaduna xiiso leh.

Sidduu u arkay Xildhibaanku go’aanka Guddoomiyaha Xisbiga?

Xildhibaan Buubaa oo shalay la hadlay Warbaahinta qaar kamida, ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo go’aanka xilka lagaga qaaday, isagoo masuulka bedelayna u rajeeyey in uu alle u fududeeyo xilka.

wuxuu sheegay inuu kamid ahaa aasaaseyaashii xisbiga, tacabna uu geliyey, laakiinse wuxuu difaacay in uu la kulmay Madaxweynaha “Madaxweynaha Qaranka ayaanu u wada shaqaynaa, waanan kulmi karnaa..” ayuu yidhi.

Inkasta oo aanay xog rasmiya ahayn, haddana warar ayaa sheegay in uu xildhibaanku iminka u janjeedho dhinaca Xisbiga talada haya ee Kulmiye, haddii ay taasi dhacdana waxay noqonaysaa markii ugu horaysay ee uu Xildhibaan Muxaafida uu noqdo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here