“Heshiiska Baadhista shidaalka haddii aanay golaha wakiilladu ansixin waa dembi qaran, sharcigiisiina weliba ma samaysna, waana xaaraan in la baadho, 12-baabuur oo xataa baabuurtii SUUGGA ahayd ku jiraan baa la geeyey goobaha sahaminta laga wado,” xildhibaan Faarax Dheere.
Hargeysa:(Hubaal)-Xildhibaan Faarax Maxamuud Cabdille(Faarax-dheere) oo kamid ah golaha wakiillada, lagana soo doorto gobolka Saraar, ayaa dhaliilo culus u jeediyey wasiirka Macdanta iyo Tamarta, waxana uu xaaraan iyo sharci-darro ku tilmaamay hawlaha shidaal baadhista ee ay wasaaradaasi ka waddo meelo badan oo dalka ah.
Xildhibaan Faarax oo xubin ka ah guddida Khayraadka dabiiciga ah ee golaha wakiillada, ayaa taxay hagar-daamooyin tiro beelay uu wasiir macdantu ka wado deegaannada shidaal baadhistu ka socoto, waxana uu sheegay in shirkadaha shidaalka baadhayaa ay dhibaatooyin badan gaadhsiiyeen dadka ku nool deegaanada ay xilligan ka shaqaynayaan.
Ugu horrayn xildhibaanku waxa uu si cad u sheegay inaanu wasiirku weli golaha horgeynin sharcigii shidaal baadhista oo fure u ahaa baadhisaha xilligan ay shirkadaha ajaanibka ahi ka wadaan deegaanno dalka kamid ah, gaar ahaan gobolka Saraar, “gobolka saraar maanta wax aka jirta xaalad cajaa’ib ah,Hawshaa la leeyahay shidaal baa la baadhayaa anigu waxan qabaa inaan cidina shidaal baadhayn, haddii shidaal la baadhayo waa khayraadkeenii oo weynu u baahanahay, laakiin fududaa dee sharcigiisi annaga gole ahaan nama uu soo gaadhin oo annaga namuu soo gaadhin guddiga khayraadkana waanu nahay oo nama uu soo gaadhin sharcigaasi” ayuu yidhi xildhibaan Faarax Dheere.
Xildhibaan Faarax Dheere waxa uu warbaahinta u akhriyey qodob distoori ah oo sheegaya in golaha laga ansixiyo shidaal baadhista, waxana uu yidhi,“Shidaalka la baadhayo sharci lagu maamulaa ma jirto distoorkuna waxa uu odhanayaa wax aka masuul ah khayraadka Xukuumadda, laakiin sida loo maamulayo, sida loo qodayo iyo sida loo sahaminayoba sharci baa lagu caddaynayaa, ilayn hadhow waxa la odhanayaa maxaa lagu baadhayaye, sharcigaasina ma samaysna oo weli nama soo gaadhin.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas ku daray xildhibaanku,“shidaal baadhista marka shirkad heshiis lala galayo waxa ay kamid tahay waxyaabaha golaha wakiilladu ansixinayaan, waxana taas caddaynaya qodobka odhanaya “golaha wakiilladu waxa uu ansixinayaa heshiisyada keenaya culays dhaqaale oo aan kusoo aroorin miisaaniyadda qaranka oo keenaya culays miisaaniyadeed, Nabadgelyo iyo mid siyaasadeedba” heshiisyadaasna weli xukuumaddu ma keenin, waana aanu kala hadalnay annaga oo Baarlamaan ah iyo annaga oo guddida Khayraadka ahba.”
Waxa uu shaaca ka qaaday in haddii ay xukuumaddu faraha la gasho wax aan golaha la hor keenin ay dembi qaran geli doonto, isla-markaana ay xaaraan tahay in baadhis la sameeyo xilli aan sharcigeedii golaha la horkeenin,“Heshiiskii dekeddaba waanu ansixinay, wixii aanu ansixinay wax aan ahaynna haddii ay xukuumaddu gasho dembi qaran bay ku gelaysaa, heshiiska Baadhista shidaalkana haddii aanay golaha wakiilladu ansixin waa dembi qaran, sharcigiisiina weliba ma samaysna, waana xaaraan in la baadho” ayuu yidhi xildhibaan Faarax Dheere.
Waxa uu xildhibaan Faarax Dheere sheegay in shirkadaha shidaalka ka baadhaya gobolka Saraar ay tacaddiyo badan oo aan la qaadan Karin u geysteen shacabka abaartu hayso eek u dhaqan deegaanadaas, isla-markaana dad aan hawsha la wadoba cidi ku wacyigelin cagafo uun lagu bilaabay, waxana uu yidhi,“goobaha shidaalka laga baadhayo waa xaaraan in la sahamiyo, weliba iyada oo uu xaaraantaa yahay oo uu dadkii abaar ku jiro oo wakhti adag ku jiro dhulkii baacaha la geliyey ee xoolaha iyo dadka jilicsan biyaha loogu shubay cagaf baa la geliyey, kacdoonka jiraana taasuu ka kacay markii cagafyo la geliyey dadkii oo aan waxba ogayn, waxaas oo dhammiina waa wada madow.”
Waxa uu xildhibaan sheegay in baadhistaas loo adeegsaday ciidamadii militeriga ee qaranku lahaa, isla-markaana gawaadhi Tekniko ahina ku jiraan hawsha shidaal baadhista,“arrinti imika militeri bay maraysaa, Militeriga waxa loogu talo galay inaynu umadaha kale iskaga difaacno oo ay xuduudaha joogaan, laakiin 12-baabuur oo xataa baabuurtii SUUGGA ahayd ku jiraan baa la geeyey goobaha sahaminta laga wado, waana xaaraan in militeri la is geliyaa, waana wixii Somaliland ka daggaalantay” ayuu yidhi xildhibaan Faarax-dheere.
Madaxweynaha ayuu xildhibaan Faarax-dheere farriin u diray, waxana uu u sheegay in tacaddiyadii uu ka dagaallamay lagu hayo dadka ku dhaqan deegaannada shidaal baadhista laga wado, waxana uu yidhi,“Inuu wasiirka macdantu dadkii militeri geliyey waxana filayaa inaanu madaxweynuhu ogayn, waayo hadduu ogyahay waa wixii uu ka dagaallamay, waana sharci-darro heshiiskaas shirkadda shidaalka baadhaysa lala galay, wasiirkuna arrintan shidaal baadhista in wax u weheliyaan baanu qabnaa annagu.”