Hargeysa (Hubaal) Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa (Wadka) oo ka mid ah golaha wakiilada Somaliland kana soo jeeda xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye isla markaana laga soo doortay gobolka Maroodi-jeex ayaa si rasmiya u shaaciyey in uu yahay musharax u tartamaya kursiga guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee golaha wakiilada Somaliland ka dib marka uu kursigaasi si iskii ah u baneeyo sida xildhibaanku sheegay guddoomiyaha xilligan ee golaha wakiilada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).
Maxamuud Jaamac Warfaa (Wadka) oo u waramay warbaahinta qaarkeed ayaa sheegay in uu kulan la qaatay xildhibaanada ku jira golaha wakiilada Somaliland ee ka soo jeeda gobolka Maroodi-jeex isla markaana uu u bandhigay hankiisa ah uu u tartamo guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee golaha wakiilada Somaliland marka uu kursigaasi iska casilo guddoomiyaha xiligan ee golahaasi, waxaanu uu intaas ku sii daray inay u balameen isaga iyo xildhibaanada ay isku degaanka yihiin.
Sidoo kale xildhibaanku waxa uu sheegay inuu xildhibaanada kale ee golahaas inay xidhiidh wanaagsan leeyihiin isaga isla markaana mudadii uu fadhiyey golaha ay jiraan rag ay isku fiican yihiin oo wadashaqayni dhex taal iyo kuwo ay isku cusub yihiin, balse uu intaba kalsooni ka haysto.
Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa (Wadka) ayaa xubinimada golaha wakiillada soo galay Sanadkii 2013, waxaana uu beddelay Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Ibraahim Daahir (Axmed-weyne) oo geeriyooday bishii June ee 2013-kii.