“Waxaan Si Gaar Ah Baaq Ugu Dirayaa Bulshada Aan Kasoo Jeedo Oo Gobol Kasta Laga Helayo, Waxaanan Leeyahay Cabashadu Ha Hadh-dhee Muujiya Tiradada Aad Tihiin Si Aad U Soo Saari Kartaan Xildhibaankiina”- Xil. Jirde Siciid Max’ud
Hargaysa (Hubaal) Xildhibaan Jirde Siciid Max’ud oo ka mid ah gudida arrimaha bulshada ee golaha guurtida JSl ayaa baaq u diray Guud ahaan bulshada weynta ku dhaqan gobolka sanaag. Xildhibaanka oo qoraal uu farriin ku farayo dadka deegaanka gobolka Sanaag u qeybiyey Warbaahinta ayaa Muwaadiniinta gobolkaas ku adkeeyey qaadashada kaadhka codaynta. Si gaar ah waxaa uu ula hadlay dadka laga tirada badan yahay ee ku dhaqan gobolkaas, waxaana uu farriintiisa ku yidhi “Halkan waxaan baaq uga dirayaa guud ahaan bulshada reer somaliland meelkasta oo ay joogaanba, baaqaas oo ku saabsan is-diiwaan gelinta doorashada ee ka socota guud ahaan gayiga Somaliland gaar ahaan Gobolka sanaag. Waxaan doonayaa in aan maanta baaqaa u gudbiyo bulshada reer somaliland gaar ahaan bulshada gobolka Sanaag isdiwaan gelintu codbixiyayaasha ee ka socota gobolkaas waxaan leeyahay bulshadaas waa in ay si buuxda oo mug leh uga qayb-Qaataan. Bulshada ku nool goboladaas waxaan ugu baaqayaa oo aan leeyahay is diwaan geliya oo qaata kaadhka codbixinta ee qofku codkiisa ku muujin karo rabitaankiisana uu ku muujinkaro qofka uu doonayana ku dooran karo. Faa’iidooyin badan ayey inoo leedahay is-diwaan gelinta ka socota JSl Bulshada somaliland waxaan leeyahay faa’iidooyinka ku jira waxa ka mid ah Kaw goboladu way tartamayaan sida ay u kala cod bataan ayey ama u kala dad bataan ayey masiirkooda ku kala helayaan. Bulshada ku dhaqan gobolka Sanaag Waxaan u soo jeedinayaa waa gobolka ugu baaxada weyn dhul ahaan somaliland marka la eego waxaanan leeyahay diwaan gelinta codbixiyayaasha si aad uga horumarto gobolada kale is diwaan geliya walaalayaal kaadhka codbixinta qaata. Waxaan si gaar ah Baaq ugu diraya dadka laga tirada badan yahay, gobol kastana way joogaan gobolkastana waa laga helayaa si ay uga baxaan ma soo saari karno cid, cidi nooma soo bixi karto haday baarlamaan noqoto iyo haddii ay deegaan noqotaba, waxaan ku boorrinayaa oo aan ugu baaqayaa bulshadaas minority-ga ah in ay ka qayb qaataan kaadhka codbixinta oo ay qaataan kaadhka codbixinta si ay qofkooda xildhibaanka ah ee ay doonayaan in ay soo saaraan ay u soo saaraan Waxaan ku adkaynayaa oo aan ku leeyahay Bulshadaas aan kasoo jeedo cabashadu ha hadhee qaata kaadhka codbixinta oo muujiya tirada aad tihiin si aad u soo saartaan xildhibaanka aad doonaysaan in ay idiin matasho golaha baarlamaanka ama deegaanka si aad u heshaan xaqa aad leedihiin waa in aad ku dadaashaan, xaqa uu wadanku idinku leeyahayna aad gudataan, xaqna waxaad u leedihiin in la idin doorto waxna doorataan markaas waxaan bulshadaas si gaar ah u leeyahay qaata kaadhka codbixinta iyo ka muwaadinkaba meel kasta oo aad joogtiin dhamaan gobolada waad ku dhan tihiin hadan hal xildhibaan ma soo saari kartaan markaas si aad wax u soo saari kartaan qaata kaadhka codaynta Goboladaas kuwa kunool baa u jeedinayaa. Waxa aynu haysanaa nabad gelyo aynu ku caana maalnay waxaan ugu baaqayaa guud ahaan bulshada somaliland Meelkasta oo ay joogaan in ay nabad gelyada ilaaliyaan in ay feejignaadaan waa in nin waliba halkiisa booliis ka ahaado wixii ay garan waayaana ciidamada nabad-yelyada la socodsiiyo, nabad gelyadu waa ta kaliya ee aynu haysano ee aynu doonayno in bulshada caalamka ictiraaf kaga kasbano, qofkastaana waa in uu nabad gelyada ilaaliyo”.