Hargeysa(Hubaal)- Alle ha u naxariistee waxa magaalada Hargeysa ku geeriyooday xildhibaan Jaamac Faarax Axmed (Jaamac Riyo) oo ka tirsanaa golaha guurtida Somaliland. Xildhibaan Jaamac Riyo ayaa sidoo kale ahaa hal-abuur iyo jilaa in muddo ah ku soo dhex jiray fanka Somalida.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, golaha guurtida, golaha wakiilada, bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Jaamac Faarax Axmed (Jaamac Riyo) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 29/07/2018, magaalada Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey xubin firfircoon oo ka baxday golaha guurtida Somaliland iyo bahda Fanka iyo suugaanta oo uu marxuumku ka tirsanaa intaanu ka mid noqon xubnaha golaha guurtida Somaliland oo uu hada ka mid ahaa.
Waxaanu marxuumku kaalin muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii beelaha Somaliland ku wada dhaqan, isagoo suugaan iyo wacyigelin kaga qayb-qaatay wada noolaanshaha shacbiga Somaliland, waxaanu marxuumku caan ka ahaa dhammaan dhulka Somalidu degto.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golaha guurtida, golaha wakiilada, bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Xildhibaan Jaamac Riyo oo golaha guurtida Somaliland ku soo biiray sannadkii 2005-tii ayaa inta badan ka qayb qaadan jiray horumarka dalka iyo ka shaqaynta nabadgalyada. Xildhibaan Jaamac Riyo, ayaa riwaayado wacyigalino iyo wax u sheeg bulsho iskugu jira samayn jiray,waxaanu sidoo kale samayn jiray heesaha waddaniga ah.