Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Lagu Eedeeyey Jid-goyn Ka Dhan Ah Dhisme Khilaafsan Sharciyadda +DAAWO SAWIRRADA

0
54

Hargeysa (Hubaal)-Xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka caasimadda Hargeysa ayaa lagu eedeeyey In uu qayb ka yahay dhisme sharciyadda ka baxsan oo hore ugu soo durkay laamida kaasi oo dhawr jeer amarro is khilaafsan oo joojin iyo bilaabidi kasoo baxeen xafiiska maayarka caasimadda. Wakiilka golaha deegaanka caasimadda Hargeysa u qaabilsan degmadda Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa Xildhibaan Axmed Siyaad Muxumed ayaa la weriyey in uu iska dhego tiray amar afka ah oo duqa Caasimadda Hargeysa ku joojiyey dhisme laga bilaabay xaafadda kaalinta siddeedaa ee degmada Maxamuud Haybe, kaasi oo cabir ahaan dhowr mitir hore ugu soo durkay Jidka weyn ee laamida tagta Madaarka Caasimada Hargeysa oo dhismahani dhinaca cadceed kasoo baxa kaga beegan yahay. Dadweyne deris la ah dhulka dhismahan laga binneeyey oo ayaa warbaahinta u sheegay in dhulkan oo sharci ahaan la siman sekadaha xaafaddaasi oo isagu u baalleeyo dhinaca bari uu hore u soo durkay saddex illaa lix mitir oo dhinaca wajahadda ah, halkaas oo laga jeexay sees dhaafsan qorshaha labada sekadood ee xaafadda, kaasi oo ay ku cawdeen in uu caqabad ku yahay isu socodka jaarka oo ay sheegeen kasokow seeska wadada ku durkay uu sidoo kale gooyay wadada dhex marta sekedaha iska soo hor jeeda xaafadda. Warku waxa uu intaa ku darayaa in ogolaanshaha dhismahan iyo sharciyada mulkiilaha dhulka iska lihi ugu fidiyey laamida uu ka shaqeeyey wakiilka degmada Maxamuud Heybe ee Golaha deegaanka Hargeysa Xildhibaan Axmed Siyaad Muxumed kaasi oo ay sheegeen in xataa uu iska dhego mariyey cabashooyin ay ula tageen iyaga oo ka codsaday in uu joojiyo tallaabooyin fulintoodu caqabad ku tahay qorshaha magaalaynta (Town plan). Xubnahan warbaahinta la hadlay waxa ay hadalkooda ku ladheen in Xildhibaan Axmed Siyaad uu tiraba laba jeer amaro fulin ah kasoo saxeexay duqa Caasimada kuwaas oo u ogolaanaya cidda dhulka iska lihi in ay ku fiddo jihooyinka bari iyo waqooyi. dadweynahan ayaa dhinaca kale ka digay cawaaqibka ka dhalan kara dhismahan oo ay sheegeen in uu iska hor keenay dadka walaalaha ah ee mudada dheer jaarka ahaa. Iyaga oo xildhibaan Axmed Siyaadna ku tilmaamay masuul garab marsan xilkii loo igmaday isla markaana kala xigtaystay bulshadii uu metelayay. Geeska kale waxa ay xubnahani waxa ay hogaanka dawladda hoose ee hargeysa ugu baaqeen in ay wax ka qabato arrintan iyaga oo sheegay in toos ugu tageen maayarka isla markaana uga warrameen sida xaalku yahay, kadibna uu Maayarku indhihiisa ku soo arkay halka seeska laga jeexay, amarna ku bixiyey in la joojiyo dhismihiisa oo uu sheegay in wakiilkiisu aanu u faahfaahin xaqiiqada meesha taalla.
Dhinaca kale Maamulka waaxda maxamuud Heybe ee Hargeysa ayaa iyaduna amar joojin ah ku xoojisay amarka duqa caasimada. Geesta kale waxa ay dadweynahani farriin u direen Madaxweynaha Somaliland iyo xukuumaddiisa dhexe oo ay ugu baaqeen in ay wax ka qabtaaan khilaaf ka dhex dhasha iyaga oo eegaya dantii guud iyo dhinaca kale ee dhulkan dhisanaya oo ay sheegeen in ay dan gaar ah wataan.
Dhulkan ay dadkan jaarka ahi dhismihiisa ka qayliyeen ayaa mulkiyadiisa waxaa iska leh wasiir ka tirsanaan jiray xukuumaddii hore ee UDUB kaasi oo ay ku eedeeyeen in uu muddo dheer ku hawlanaa qorshaynta dhismahan.

11944921_10153069220500918_1085163600_n

11897072_10153069225635918_1310465316_nAxmed siyaad muxumed

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here