Xildhibaan Ka Tirsan Wakiillada Oo Madaxweynaha U Soo Jeediyey In Golahoodu Uu Sunnaha Sharciga Mariyo Heshiiska Ay Genel Engergy shaacisay inay 2019-ka Shidaal Kaga soo-saarayso Dalka

0
63

sta ee

Madaxweyne Muuse Biixi uga Digay in Shidaalka Genel Engergy Sheegtay inay Somaliland Ka Soo-saaraysaa Dhibaato Sharci Horseedin

 

 

Hargeysa(Hubaal):- Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Dabeeciga ah iyo Deegaanka ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Siciid Maxamed Gaane   ayaa Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay inaanu Shidaalka ay Shirkadda Genel Engergy shaacisay inay 2019-ka ka soo saari doonto Somaliland noqonnin mid sida Nageria Burbur iyo Balanbal u horseeda Dadka iyo Dalka Somaliland, balse uu noqdo mid Sharci, Nidaam, Cadaalad iyo Nabad laga dheehan karo horumar dalka iyo dadkaba ugu horseeda.

 

Xildhibaan Siciid Gaane, ayaa Waraysigan uu siiyey Somalinewstv waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi ugu soo jeediyey inuu Heshiiska Shidaal soo-saarista ee Shirkaddaasi kula jirto Somaliland uu horkeeno Golaha Wakiillada si ay u eegaan, isla markaana u ansixiyaan, sida uu Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Waajibinayo, haddii kale aanu waxba ka duwanaan doonin Xukuumaddii Sharciga gacanta ku sidatay ee Madaxweyne Siilaanyo, sida uu hadalka u dhigay Xildhibaanku.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here