Xildhibaan Ka Tirsanaa Baarlamanka Somaliland Oo Hargeysa Ku Geeriyooday

0
21

Hargeysa(Hubaal)-Alle ha naxariistee, waxa Maanta Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa ku geeriyooday Xildhibaan Xariir Siciid Bulaalle oo ka mid ahaa  Golaha Wakiillada Somaliland, kaasoo muddo sideed maalmood ah halkaas  u jiifay Xanuun, sida waxa GNA u xaqiijiyey Ehelada Marxuumka.

xildhibaan-xarrWar faahfaahsan lagama hayo nooca Xanuunka uu u jiifay Cisbitaalka, balse waxa la sheegay in loo qaban qaabinayay qaadis Caafimaad oo dibada ah.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan  Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa dhambaal tacsi ah u diray Marxuumka, isagoo ka tacsiyadeeyey Qoyskii, Qaraabadii iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxay, isagoo si gaar ah uga tacsiyaddeeyey Golleyaasha Baarlamanka ee uu ka tirsanaa.

Marxuumka ayaa Maalinta Beri ah lagu aasi doonaa Xabaallaha Naaso-hablood ee Magaalada Hargeysa.

Alle ha naxariistee Marxuumka, ayaa waxa uu ka mid ahaa Xildhibaanadii  laga soo doortay Gobolka Sool Doorashadii Baarlamanka ee 2005-tii dalka ka dhacday, waxaannu doorashadii u dambeeyay ee lagu soo doortay uu ka soo baxay Xisbigii UDUB ee bur-buray, hase ahaatee tan iyo markii Xisbigaasi bur-buray kamuu dhex muuqan Asxaabta Siyaasadda ee waddanka.

Badhtamihii Bishii Feberaury , ayaa ugu dambeysay ka hadalka arrimaha Siyaasadda iyo Nabad-gelyada Gobolka uu Deegaan ahaan ka soo jeedo ee Buuhoodle, halkaasoo Collaada Ehligaa ee ka taagan talooyin ka soo jeediyey qaabka lagu xalin karo, isagoo dhanka kalena ka digayey in loo maro tubta nabadeynta Beelaha Buuhoodle iyo Qorulugud dariiq aanay raali ahayn labada Ardaa ee xiisaddu u dhaxaysaa.

Marxuumka iyo Waxgarad ka soo jeedda Deegaanka gaarka looga soo doorto, ayaa baaq u  Xukuumadda iyo Madaxdhaqameedyo howsha nabadeynta dar-dar cusub geliyey oo hargeysa ku marti-qaaday Wufuud reer Buuhoodle ah.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here