“Ninka leh dawlad Khaatumo la yidhaahdo Ayaan ahay, ka golaha keenay waa dambiile qaran, waxan aan u arkaa caaddifad reernimo oo yar iyo baqdin ay ka qabaan deegaanku,”
“Arrintan waxa wada Baashe iyo Dhakool oo Cali Khaliif Xidh-xidh ugu tegay, waxana ay leeyihiin Soddonkooda (30Km)kiiloo mitir ee ha joogaan,”xildhibaan Koore.
Hargeysa:(Hubaal)-Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali-koore oo kamid ah mudaneyaasha golaha wakiillada ee laga soo doorto gobollada Bariga dalka, ayaa si weyn uga biyo diiday tallaabadii ay golaha wakiilladu shalay ku taageereen wada-hadallada ay xukuumadda Somaliland kula jirto maamulka Khaatumo, waxana uu sheegay inay arrintaasi sharciga dalka iyo distoorkaba ka hor imanayso.
Xildhibaan Koore oo markii u fadhigaasi soo idlaaday warbaahinta la hadlay, ayaa si gaar ah eedo culus ugu jeediyey guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax, waxana uu tilmaamay inay arrintaasi salka ku haysay dano ay beel gaar ahi leedahay sida uu hadalka u dhigay.
Saleebaan Yuusuf Cali-koore oo arrimahaas ka hadlaya, ayaa waxa uu yidhi, “Meesha xildhibaanno labaataneeyo ah baa joogay, waana Baashe oo inta Cirro iyo shir-guddoonku maqayn yahay ka faa’iidaysanaya, dhawr nin oo uu soo xushay ayuu hoosta uga sheegay, wax kalena ma ahee waa arrintii yarayd ee ay dhawaan Bari isugu tageen isaga iyo Cali Khaliif iyaga oo qoys ah, wax deegaankaas gobolka Sool Khuseeyana ma ah, xukuumadduna haddii ay heshiis la gelayso waqtiga uu heshiisku dhammaado ayey caddayn doontaa inuu heshiis dhacay iyo inaanu dhicin, laakiin hadda gole taageeray ma jiro.”
Waxa uu dambiile qaran ku sheegay cid kasta oo arrinta heshiiska Cali Khaliif golaha hor keentay, maadaama uu sheeganayo dawladnimo, “Ninka leh dawlad Khaatumo la yidhaahdo Ayaan ahay, ninka golaha keenay waa dambiile qaran, distoorka dalkana way kasoo hor jeedaa, waana dadka aan Somaliland-nimadu ka dhaadhacsanayn, nin leh madaxweynaan ahay oo wasiirraan leeyahay oo xukuumad baan ahay oo dalka gudihiisa fadhiya, halla taageero waxan u arkaa caaddifad reernimo oo yar iyo baqdin ay ka qabaan deegaanku,” ayuu yidhi xildhibaan Koore.
Saleebaan Yuusuf Cali-koore waxa uu codsaday in guddoomiye Baashe lagu soo eedeeyo qaran-dumisnimo, waxana uu ku eedeeyey inuu gees maray hannaankii loo meel marin jirey wada-hadallada noocan oo kale ah, waxana uu yidhi, “Baashe distoorkii dalka ayuu meel kaga dhacaye waa in lagu soo eedeeyaa qaran-dumisnimo, wada-hadalladana kama soo horjeedee si loo galo ayey leeyihiin, marka aad wada-hadallada samaynaysona waa inaad ku eekaataa xuduudda distoorka ee dalka, nin leh xukuumad xukuumad kale ku hoos jirtaan ahayna waa qayru-sharcidarro qaawan.”
Waxa uu farta ku fiiqay guddoomiye Baashe iyo weliba xiddhibaan Dhakool oo iyagu dhawaan kulan deegaanka Xidhxidh ee gobolka Sool kula yeeshay Cali Khaliif, “Arrintan waxa wada Baashe iyo Dhakool oo Cali Khaliif Xidh-xidh ugu tegay, waxana ay leeyihiin Soddonkooda(30Km)kiiloo mitir ee ha joogaan,” ayuu yidhi xildhibaan Koore.