Hargeysa:(Hubaal)-Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali-koore oo katirsan mudaneyaasha wakiillada ee kasoo jeeda gobollada bariga Somaliland, ayaa guul Somaliland usoo hoyatay ku tilmaamay tallaabadii dhawaan Imtixaanka magaalada Laascaanood lagaga qaaday muwaadiniinta kasoo jeedda gobollada Bariga dalka, waxana uu sheegay inay tahay hir cusub oo ay Somaliland gaadhay.
Xildhibaan Koore oo warbaahinta la hadlay, ayaa shaqaalaysiinta muwaadiniinta gobollada Bariga kasoo jeeda ku tilmaamay mid meesha ka saaray tabashadii dhinaca shaqada ee dadkaasi tirsanayeen, “In deegaanka Laascaanood lagu qaado Imtixaankii qaranka ee shaqaalaysiinta, taasina waxa ay noqonaysaa tallaabo intii Somaliland jirtey aan hore loogu qaadin, waxana ay dhiirrigelinaysaa dadyowgii odhan jirey wiilka Laascaanood ama Ceerigaabo joogaa sidee buu Imtixaanka Hargeysa lagu qaadayo u gaadhi karaa,” ayuu yidhi xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore.
Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa uu u mahadnaqay madaxdii arrintaas ku dhiirratay, waxana uu sheegay inay qaadeen tallaabo midnimada shacabka Somaliland si weyn u xoojisay, waxana uu yidhi,“Madaxdii arrintan fududaysay waan u mahadnaqayaa, waxana aan leeyahay tallaabo loo baahnaa baad xaggii saxda ahayd u qaaddeen, qarankuna wuu u baahan yahay inuu isku xidhmo oo dadkani ay dareemayaan in wax la wada leeyahay, waana waxa ay umaddani isku aaminayso, waana wax taariikhi ah oo u baahan in lasii wado.”