Xildhibaan Mucaaridka Uga Digay Sheegashadka Waxqabadka Xukuumadda Kulmiye

0
45

“Marka barnaamij xisbi leeyahay la fuliyo  ama waddooyin ha ahaato, ama derejo ha ahaato, ama dekeddo ha ahaatee waa khiyaamo inuu qof yidhaahdo anaa  qabtay, anaa derejada  bixiyey, anaa waddooyinka dhisaye waa Barnaamij xisbi.”  Xildh.

“Haddii waxqbadka  cidi sheeganayso hoggaamiyaha xisbigaa leh oo madaxweynaha xisbigaa leh oo aragtidiisaa la fuliyey, wasiirradu waxa ay gacan-yarayaal u yihiin madaxweynaha, Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle

 axmed-yaasiin sh. cali ayaanle

 Hargeysa:(Hubaal)-Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo katirsan mudanayaasha aqalka wakiillada, lagana soo doorto gobolka Awdal, ayaa si mug leh u faahfaahiyey cidda xaq u leh inay faan ka dhigato waxqabadka xukuumadd ka dhalatay xisbiga KULMIYE, kadib markii qaar xisbiyada mucaaridka ka mid ah waxqabadkaas ka dhigteen ballaysin ay ku af-gobaadsadaan.

Xildhibaan Axmed-yaasiin waxa uu bulshada far waaweyn ugu sheegay in dunida la cid walba lagu ixtiraamo waxa ay qabato, isla-markaana aanay cid kale sheegan Karin, waxana uu hoosta ka xarriiqay inaan cid gaar ahi libin ka dhigan Karin waxyaabaha uu xisbiga KULMIYE dalka u qabtay,“Adduunyada waxa jira wax la yidhaahdo xuquuqda lahaanshaha(copy right) wixii aan anigu qoray ee aan ikhtiraacay cid aniga ogolaansho iga qaadato mooyaane lama qaadan karo, waana xuquuq caalami ah, axsaabtuna barnaamij bay leedahay, marka barnaamij xisbi leeyahay la fuliyo  ama waddooyin ha ahaato, ama derejo ha ahaato, ama dekeddo ha ahaato ama madaarro ha ahaatee waa khiyaamo inuu qof yidhaahdo anaa  qabtay, anaa derejada  bixiyey, anaa waddooyinka dhisaye waa Barnaamij xisbi.” Ayuu yidhi xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.

Xildhibaanka ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata, ayaa hoosta ka xarriiqay in cidda ku faani karta waxqabadka xisbiga KULMIYE tahay madaxweynaha ama guddoomiyaha, balse aanu wasiir aragtida madaxweynaha fulinayaa ku faani Karin, waxana uu yidhi,“haddii arrintaas  cidi sheeganayso hoggaamiyaha xisbigaa leh oo madaxweynaha xisbigaa leh oo aragtidiisaa la fuliyey, wasiirradu waxa ay gacan-yarayaal u yihiin madaxweynaha, madaxweynuhu markuu qof wasiir u magacaabayo qofka ayuu qiimaynayaa oo uu leeyahay markaan karitidiisa ku qancay ayaan hawshaas u igmaday. waxa uu madaxweynuhu qofka u igmanayaa inuu ninkaasi hirgeliyo aragtidii uu madaxweynuhu qabay ee uu waddooyinka ka qabay ee uu ciidanka ka qabay inuu ninkaasi qabto”.

Xildhibaanku waxa uu tusaale usoo qaatay waxqabadkii la hirgeliyey xilligii xukuumaddii madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, taas oo uu sheegay inaan taariikhda lagu haynin cid wasiir ka ahayd oo waxqabadkaas ku magacaabani,“Madaxweynihii ciidankeena qarameeyey ee seeska dawladnimo aasaasay ee ciidankii hubaysnaa hubka ka dhigay allah ha u naxariistee maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal buu ahaa welina meynaan maqlin qof ka sheekaynaya wasiirkii gaashaandhigga ee wakhtigii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal hub-ka-dhigista samaynayey oo la leeyahay hub-ka-dhigistii wasiir Hebel la leeyahay.” Ayuu yidhi Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.

Xildhibaanku waxa uu intaas ku daray,“Ma jiro ninkaasi sababtoo ah siyaasad madaxweynuu fulinayey oo madaxweynahaasaa iska leh, haddii waddo la sameeyey madaxweynahaa iska leh, haddii derejo la bixiyey madaxweynaha leh, haddii deked la maalgeliyeyna madaxweynahaa leh.”.

Hadalka xildhibaanka, ayaa ka dambeeyey hadallo soo noqnoqday oo hoggaanka saree e xisbiga WADDANI ku sheeganayeen waxqabadka xisbiga KULMIYE, taas oo bulshada ku abuurtay inay su’aalo iska weydiiyaan sababta ay WADDANI barnaamijyo gaar u ah u keeni waayeen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here