Xildhibaan Obama Oo Kulan Lagu Dardargelinayo Hawlaha Xisbiga La Qaatay Haween weynaha heer Qaran ee KULMIYE

0
50

Hargeysa:(Warbaahinta KULMIYE)-Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi(Obama) oo kamid ah mudaneyaasha golaha wakiillada ee xisbiga KULMIYE, ayaa shalay kulan ballaadhan oo lagu dardar gelinayo hawlaha xisbiga, isla markaana kor loogu qaadayo doorka wada-shaqayneed  ee waaxyaha kala duwan ee xisbiga la qaatay garabka haweenka heer qaran ee xisbiga KULMIYE.

xildh obama oo sharaxaya

Kulankan oo lagu qabtay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE Md. Xuseen Aadan Cadde, xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali-koore, wasiiru-dawlaha wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Md. Axmed Nuur Faahiye, xildhibaan Maxamed Cali Xirsi, hoggaanka garabka haweenka heer qaran ee xisbiga iyo tiro haween ah oo kamid xubnaha firfircoon ee xisbiga KULMIYE, waxana halkaas lagu lafo guray istaraatiijiyado cusub oo la isla qaatay inay wax weyn ka tari doonaan dardargelinta hawlaha xisbiga KULMIYE.

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obama oo isagu kulankan soo abaabulay, ayaa haweenka si weyn ugu sharraxay qorsheyaal muhiim ah oo xisbigu kusoo hoyn karo guulo uu mar labaad ku haaneedo talada dalka, isaga oo haweenkii goobta ku sugnaana ku dhiirrigeliyey inay guntiga dhiisha iskaga dhigaan, isla markaana iskaashigooda iyo wada-shaqayntooda kor u qaadaan, si ay qayb libaax uga qaataan isku-xidhka shaqooyinka muhiimka ah ee dadka codaynaya lagu kasbanayo.

Mudane Obama waxa uu xubnaha haweenka ah oo ay wehelinayeen hablo dhallinyaro ah oo aqoonyahanno ah, isla markaana ku hawllan sidii qorshe dhaxalgal ah loogu samayn lahaa arrimaha olalaha iyo kasbashada dadka codka bixiya, ayaa haweenka xisbiga la wadaagay aragtiyo iyo afkaar ku qotoma sidii ay haweenku doorkooda olale iyo midkooda wacyigelineedba kor ugu qaadi lahaayeen, waxana uu ku adkeeyey inay guntiga dhiisha iskaga dhigaan oo ay kasoo dhalaalaan wixii hawl ah ee waajibaadkooda la xidhidha.

Hoggaanka garabka haweenka ee munaasibadda ku sugnaa, ayaa si weyn usoo dhaweeyey qorshaha iyo hawl-karnimada uu xildhibaan Obama hormoodka ka yahay iyo sida uu dedaalka ugu jiro inay haweenku qayb weyn ka noqdaan nashqadaynta iyo abuuritaanka istaraatiijiyadaha la aaminsan yahay inuu xisbigu mar labaad guul kasoo hooyo doorashooyinka dhammaadka sanadkan dalka ka qorshaysan ee madaxtinimada.

Waxa ay xubnihii haweenka ahaa ee goobta ku sugnaa ballan ku qaadeen inay guntiga dhiisha iskaga dhigi doonaan sidii ay qaybtooda uga qaadan lahaayeen dardargelinta lagu wado qaybaha kala duwan ee xisbiga iyo isku xidhka waaxyihiisa, waxana ammaan u jeediyeen xildhibaan Obama oo isagu hindisaha dardargelinta iska lahaa.

Dardargelinta iyo isku xidhka lagu baraarujinayo waaxyaha kala duwan ee xisbiga, Ayaan ku koobnayn garabka haweenka heer qaran oo kaliya, balse waxa jiri doona kulamo noocan oo kale ah  oo maalmaha soo socda  uu xildhibaan Obama la qaadan doono heerarka kala duwan ee haweenka xisbiga, waxana ay tallaabadani kamid tahay isku-dubo-ridka iyo u diyaar garowga xisbiga ee doorashooyinka dalka kusoo foolka leh.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here