Xildhibaan reer Burco Ah Oo Isu Xilqaamay U Hiilinta Saleebaan-gaal+Jawaab Naanays Wadata Oo Uu Ka Bixiyey Dhaliilihii Cali Gurey Ku ganay Guddoonka Baarlamaanka

0
216

 “Waxaan Leeyahay Hooyadii Ka Guure Habar-yartii  kuma negaado”– Mudanehan Oo Golaha Deegaanka Burco Ka Tirsan   oo Soo Dhaweeyey Heshiiska Saldhiga Berbera una  Jawaabay Cali Guray

 Burco (Hubaal) – Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi)  oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka degmada Burco ,ayaa si weyn u soo dhaweeyay uguna hambalyeeyay mudaneyaasha labada gole baarlamaan ee Somaliland go’aankii ay sida aqlabiyadda ah ugu meel mariyeen heshiiska ay Xukuumadda Somaliland iyO Dawladda Imaaraadka Carabta ee saldhigga Millatari ee Berbera .

Waxaanu sidoo kale uga mahad celiyay Madaxweynaha Somaliland AAxmed Maxamed Siilaanyo tallaabooyinka horumarka ah ee uu qaranka ku hoggaamiyay  iyo guulaha uu ku tallaabsaday intii uu xilka la wareegay,waxaana yidhi. “ waxaan bogaadinayaa oon hambalyaynayaa fadhigii aan caadiga ahayn ee labada gole baarlamaan ee Somaliland ay ku ansixiyeen dalabkii dawladda Imaaraadka Carabta ee asaldhigga Millatari,waxay ahayad tallaabo horumar oo la qaaday waxaanay labada gole la dareen noqdeen shacabka reer Somaliland heshiiskaasi wuxuu inoo horseedayaa ictiraaf inoo yimaada iyo xidhiidho wanaagsan oo  dalalka gacansaarka la,leh  dalkaa Imaaraadku  ay gacan inasiiyaan waxaa kaloo dawladda Imaaraadka aynu ka helaynaa adeegyo ay horsed u yihiin caafimaadka,waxbarashada,waddooyinka,tababbaro ciidamada Somaliland ay ka helaan,waana tallaabo ay taariikhdu xusi doonto.”

 Dhanka kale xildhibaan  Mubaarig si adag u naqdiyay hadali ka soo yeedhay siyaasi Cali Guray oo uu ku tilmaamay nin ma gudbe ah oo wax kasta ka soo hor jeeda.” waxan halkan ugu jawaabayaa  ninka la yidhaahdo Cali Guray oo aniga iyo ummadduba ay u taqaano Cali Masdil  oo aynu ognahay halkii uu SNM kaga jiray,waa nin aan mabda lahayn,waxaa laga eryay KULMIYE wuxuu galay UDUB hadana wuu ka  cararay wuxuu galay UCID oo aynu ogayn wixii uu ka dhex sameeyay ee  kala qaybinta iyo cunfiga iyo caadifada kala dhex dhigay  Xisibiga,markii dambena Jamaalkii uu taageersanaa kaga baxay,ayaa aaminaya imikana KULMIYE ayuu xod xodanayaa ,waxaan leeyahay Cali Ma-gudbe  Xisbiga hannaga  burburin, Cali Masdilow kuma dherarsan kartid Guddoomiyaha  Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan waa  la yaqaanaa  wuxuu gudo iyo wuxuu gudoba  waa nin halgamaa ah golaha guurtida halkuu soo gaadhsiiyayna waa la ogyahay oo hoggaamina lagu majeerto waanan ka xaal marinayaa hadalkaa ka soo yeedhay Cali Masdil. Sidoo kale waxaan bogaadinayaa tallaabadii uu golaha uu ka sameeyay ee uu xildhibaanada ku hoggaamiyay. Cali Gurayoow Waxaan ku Leeyahay (Hooyadii Ka Guure Habar-Yartii Kuma Negaado) heshiiskasina waa mid dalku ku abshiray ee ishii bugtaay ku bikaacso”.

saleebaan-gaal

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here