Xildhibaan Siciid Afqalooc Oo Loo Dhaariyay Booskii Uu Iska Casilay Xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir.

0
45

Hargeysa (Hubaal) -Maxakamada Gobolka Hargeysa ayaa maanta dhaarisay Xildhibaan Siciid Xaaji Axmed Cali Faarax (Siciid Afqalooc) oo bedeli doona Mustafe Cismaan Daahir oo isagu dhawaan iska casilay xilkaasi.

Maxkamada-sare3

Siciid Afqalooc ayaa ka soo baxay Urur Siyaasadeedkii Hadhay ee UMADDA, waxaanu sidaasi ku noqon doonaa Xildhibaanada Golaha Degaanka ee Magaalada Hargeysa.

Xil Mustafe Cismaan Daahir ayaa lagu xukumay dil, ka dib markii uu muddo sanad ka hor ah qudha ka jaray nin ay saaxiibo ahaayeen, waxaanu dhawaan ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay Golaha deegaanka ee Magaaladda Hargeysa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here