Xildhibaan Warfaa Oo Layaab Ka Muujiyey Mucaaridka Doorasho Diidka ah Ee Muddo-kordhinta Ku Cararaya

0
34

“Siyaasaddii Somaliland waxa kusoo kordhay wax aan hore u jiri jirin oo ah mucaarid muddo kordhin doonaya iyo muxaafid doonaya dorasho waqteedii ku dhacda….”Xildlhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa

Wadka

Hargeysa:(Hubaal)-Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo katirsan mudanayaasha aqalka wakiillada Somaliland, ayaa su’aal geliyey sababta keentay inay axsaabtii mucaaridka dalku u olaleeyaan dib-u-dhigis lagu sameeyo doorashooyinka dalka ka qorshay dhammaadka bisha saddexaad ee sanadka, isla-markaana ay xukuumaddii iyo xisbigeedii KULMIYE ugu ordayaan inaanay doorashadaasi waqtigeedii dhaafin.

Xildhibaanka oo waraysi gaar ah siiyey wargeyska Hubaal, ayaa diidmada mucaaridka ku tilmaamay wax aan la aqbali Karin, waxana uu Komishanka doorashooyinka qaranka ugu baaqay inay shaqadooda qabsadaan oo faraha kala baxaan arrimaha kale ee wixii loo igmaday ka baxsan.,

Ugu horrayn xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo sharraxaya la yaabka ku duugan diidmada mucaaridka ee doorashaada, ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay, “siyaasaddii Somaliland waxa kusoo kordhay wax aan hore u jiri jirin oo ah mucaarid muddo kordhin doonaya iyo muxaafid doonaya dorasho waqteedii ku dhacda, waa wax saaxadda siyaasada Somaliland ku cusub oo aynaan hore u arki jirin oo ay lasoo baxeen mucaaridka wakhtigani.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata xildhibaan Warfaa waxa uu farta ku fiiqay inaan taariikhda weli lagu hayinin muxaafid  laga diido inuu doorasho qabto oo kursiga uu ku fadhiyo banneeyo, “Waxa la yaab leh xisbigii muxaafidka ah ee jeclaysan lahaa kursiga, ayaa halgan ugu jira inay doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo, waa arrin Somaliland oo kali ah lagu arkay oo aynu markhaati ka nahay, aduunyadana taasi kama dhacdo” ayuu yidhi xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa.

Isaga oo hadalkiisa sii wata xildhibaan Warfaa waxa shaaciyey in wakhtiga doorashadu yahay mid ay maxkamadi xukuntay oo aanay jirin cid kale oo codsan karta muddo-kordhin, waxana uu yidhi, “Madaxweynihii doorashuu doonayaa, wakhtiga doorashadana maxkamad baa xukuntay, madaxweynuhuna dorashadii  Baarlamaanka waxa uu  codsi udiray maxkamadda, maantana xataa isagu ma codsan karo laakiin waxa ku haboon inuu yidhaahdo wakhtigeedii halla qabto.”

Dhinaca kalena xildhibaan Maxamuud Jaamac waxa uu farriin adag u diray xubnaha Komishanka doorashooyinka Somaliland, waxana uu ugu baaqay inay shaqadooda qabsoodaan oo aanay xaalado kale iska gelin, isaga oo ka codsaday inay hay’ada kale ee abaarta u xilsaaran ku ixtiraamaan shaqadooda, “Komsihankan doorashooyinka ee iyaguna abaarta hor cararaya, dadlku waxa uu leeyaay hay’ado arrintaas ku shaqo leh oo awood u leh, komishanka shaqadiisu waa inay doorasho iyo wakhtigeedii ka hadlaan, abaar iyo muddo kordhinina uma taallo iyaga” ayuu yidhi xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here