Hargeysa(Hubaal)-Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka tirsan xildhibaanada golaha wakiilada ayaa ku gacan saydhay hadalkii ka soo yeedhay guddoomiyaha golaha wakiilada ku sheegay in La kala diro Xukuumaddaa iyo golaha wakiilada.
Waxa uu sheegay inuu dib Dalka ugu celinayo shir beleedkii laga soo gudbay 1991kii. Xildhibaanku waxa uu sheegay in aanu golahooda la kala Diri Karin ilaa ay yimadaan gole sharci Ah oo iyaga badala. “Golaha wakiilada cid kala diri kartaa majirto,waa dastuuri waxaana badali kara oo kaliya gole lasoo doortay oo ay dadwaynahu soo doorteen ayuunbaa badali kara sidaas daraadeed xildhibaanada gollaha wakiiladu sharci ayay ku fadhiyaan cid ka kicin kartaa Majirto.”
Xildhibaan Xasan Cawaale oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu ku daray.”Sidaad lawada socotaan golahani xaraan maaha cid badali kartaa iyo cida leh dawlada iyo golaha hala Kala diro waa cid wada shir beleedkii laga soo gudbay,Markaas adeer shir beleed wuu naga soo dhamaaday.1991kii ayaanu ku kala tagnay dastuurka qarankaa ayaa la sameeyay,maanta cidna uma Baahna Shir beeleed,sharci ayuu leeyahay dalkani kaas ayaana dhigaya sida looga gudbayo haday caqabadi timaado.”
Hadalkan ka Soo yeedhay Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan ayaa imanaya Xili guddoomiyaha golaha wakiiladda ahna Xisbiga Waddani ku baaqay Marka Ay gaadho 26-ka Juun in la kala diro xukuumadda iyo gollaha taas oo Xildhibaano badani ku gacan saydheen.