Xildhibaan Xasan Shahar Oo Beeniyey Inuu Lug Ku Lahaa Weerarkii Lagu Qaaday Siyaasi Barkhad Jaamac

0
111

“Barkhad iyo inta kaleba masuuliyadooda nabadgelyadu annagay na saaran tahay, xisbiga KULMIYE-na ma aha xisbi waxaas sameeya, waana xisbi karaamadiisa iyo sharaftiisa leh”Xildh. Xasan Shahar

xasan shahar

Xildhibaan Xasan Cali Cabdi (xasan-shahar) oo mid ah xildhibaanada golaha deegaanka Hargeysa, ayaa si kulul u beeniyey warar laga baahiyey oo sheegayey inuu ku lug lahaa weerar faro-saar ah oo habeen hore loo geystay xoghayaha caddaaladda ee xisbiga WADDANI Md. Barkhad Jaamac Xirsi.

Xildhibaan Xasan Shahar oo qaar kamid ah warbaahinta la hadlay ayaa hoosta ka xarriiqay in laga been abuuray, isla-markaana aanu wax shaqo ah ku lahayn falkaas, isaga oo cambaareeyey dhibaatada gaadhay siyaasiga katirsan xisbiga WADDANI, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“arrintaasi waa been cad oo aan sal iyo raad toona lahayn, waxana aan aad uga xumahay cidda samaysay male-awaalkaas beenta ah ee naxliga ah,  cidda waxaas samaysayna waa cid munaafaq ah, ninkaas Barkhad la yidhaahdaana waa nin aanu aad u jecelahay oo saaxiibkayo ah, waana nin aanu ka xunahay waxa ku dhacay.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in dadku xaq u leeyihiin inay afkaartooda ciddii ay doonaan ku taageeraan oo aan la isku ceebsan Karin,“Dadku siyaasadooda iyo cidda ay raacayaan way u madax bannaan yihiin, cidina cid iyo xisbi kuma cabudhin karto, waana cambaaraynaynaa waxa ku dhacay walaalkeen” ayuu yidhi xildhibaan Xasan shahar.

Waxa uu xildhibaan Xasan shahar caddeeyey inuu Barkhad kamid yahay muwaadiniinta ay metelaan ee ay ammaankooda iyo noloshoodaba masuulka ka yihiin, isla-markaana aan xisbiga KULMIYE dhaqannada noocaas oo kale ah loo aanayn Karin, waxana uu yidhi,“Masuuliyadda qaranka guud ahaan marka laga hadlayo isaga iyo inta kaleba masuuliyadooda nabadgelyadu annagay na saaran tahay, maslaxadda siyaasadeed ee lagu doonayaana waa mid wax qabad, xisbiga KULMIYE-na ma aha xisbi waxaas sameeya, waana xisbi karaamadiisa iyo sharaftiisa leh.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here