Xildhibaan Xassan Cawaale Oo Sheegay In Suldan Wabar Istaahilo In Xabbad Iyo Dhangedba Laga Soo Daadajiyo Buuraha Uu Ku Jirro

0
38

“Gabadhi ninkeeda Haddii ay ka Dudo waxa soo celiya ehelkeeda, Musharaxow Adiga u ehela Wabar ee Soo Celi.” Xassan Cawale.

Hargeysa (Hubaal) Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa si adag uga jawaabay Hadalo uu Murashaxa jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan kaga hadley xiisada Suldaan Wabar kuna dalbadey in Guurtidu arintaas gasho oo Suldaan Wabarna soo ergeyso hadalkaas oo uu Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan gaashaanka ku dhuftey.

xasan cawaaleXildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo arrimahasi ka hadlayaa waxa uu yidhi.  ”Waxaan Doonayaa inaan halkan uga jawaabo hadalo aan ka maqley Tvga oo uu ku hadlayay Murashaxa Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga Ucid, oo uu lahaa ergo ha ugalaan Golaha Guurtidu Suldaan Wabar, waxaan taa kaga jawaabayaa oo aan leeyahay Guurtidu ergo kama gasho nin dudey oo yidhi jabhad ayaan sameysanayaa, waxaan leeyahay markaasi ergada umana qalanto Guurtida mana galayaan galina maayaan, laakiin ninka Jamhuuriyada Somaliland ka duda ee yidhaa jabhad ayaan sameysanayaa adeero ulbaa lagaga soo daadajinayaa buurta, horey u dhacdey cidna la sasabi maayo, cidna ergo loo gali maayo, cidna dad loo diri maayo hadii uu garan waayo isagu qofkani nabada iyo wanaaga iyo anshaxa ay Somaliland kuwada nooshahay Somaliland cidna uma joojinayso murashaxow Guurtiduna adeerow ma dhexdhexaadiso nin yidhi jabhad baan sameysanayaa, dhexdhexaadin kama gasho Somalilandna adeer waa muqadas cid loo joojinayaana ma jirto cidii baxdana adeer  ulbaa lagaga soo dajinayaa halkuu joogo”.Ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale.

Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa “Rasaasbaa adeer oogta lagaga furayaa, Guurtidu sharci uma laha in ay tagaan waxaa sharci u leh in la soo qabto in la daldalo in la xidho ciidamada Jamhuuriyada Somaliland allaha daayo allaha garab galo ayaanu leenahay”Ayuu yidhi.

Waxa kale oo uu intaa ku darey Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan “Musharaxow waxaan kuu sheegayaa mid labaad hadii ay matalan gabadhi ninkeeda ka dudo waxa soo celiya ehelkeeda hadaba adigaa u ehel ahe soo celi adeer suldaanka dudey Suldaanada waxaanu ku naqaanay, in ay ka shaqeeyaan nabada,wanaaga iyo anshaxa, laakiin nin yidhi jabhad ayaan sameysanayaa, waa nin tagay cida soo celinaysaana waa ehelkiisa,hadaan mar labaad kuugu celiyo gabadhi haday odeygeeda ka dudo waxaa soo celiya ehelkeeda soo celi dee adigu Guurti masoo celiso cid kalena masoo celiso adeerow haduu iman waayana xabad ayaanu kaga soo saareynaa oo aanu ku qaban”Ayuu yidhi Xildhibaan Caynaan.

Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo la weydiiyay sababta uu u qoonsaday hadalka Murashaxa Jagada Madaxweyne Ku-xigeen ee Xisbiga Ucid maadaama, uu nasteex iyo isku soo dhaweyn ka hadlayay waxa uu yidhi.  “Waxaan uga jawaabayaa xaley wuxuu yidhi Guurtidu ergo haka gasho waxaan leeyahay ergo lagama galayo taanu qoonsanay ee aanu diidney, waa ergo halaga galo oo hala soo sasabo adeer cid Somaliland loo soo sasabayaa majirto Somaliland waa muqadas waanay adkaatey”Ayuu yidhi Xildhibaanku.

Waxa kale oo uu ka hadley mar la weydiiyay in Suldaanku tabashooyinka Gobolkiisa ee dhinaca Duqeyda iyo Madaxdhaqameedka ay Xukuumada ka tabanaayaan isagoo ka jawaabaya Su’aashaasi waxa uu yidhi. “Wuxuu tabanayo inooma sheegin Laakiinse Suldaamada waxaanu ku naqaaney, in ay ka shaqeeyaan nabada iyo wanaaga laakiinse jabhadbaan sameysanayaa Suldaan yidhi waligay maan arag mana maqal, waxay tahay in Xukuumada Ciidanka habeyso howlgaliso, xuduudaheeda sugto”Ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan.

Ugu dambeyntii mar la weydiiyay Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan in ay dhibaato ka iman karto hadii talaabo Ciidan loo adeegsado Suldaan, waxa uu ku jawaabay in aanay waxba ka imanayn ee ay ku haboon tahay in talaabo dhakhso ah laga qaado.

xigasho:waaheen

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here