Xildhibaanada laga soo shidaaliyo Aqalka Madaxtooyada oo ka maquurtay fadhigii Maanta ee Golaha wakiilada + Xukuumadda Oo Carqaladaysay in la ansixiyo xubnaha Komishinka Cusub.

0
28

Hargeisa-(Hubaal)-Sidii la filaayey Kalfadhi aan caadi ahayn oo Gudoomiyaha Golaha wakiiladu isagu yeedhay Xildhibaanada Golaha ayaa waxaa saaka ka maquurtay inay Golaha ka soo xaadiraan xildhibaanada laga hago Qasriga Madaxtooyada oo dhawrkii maalmood ee la soo dhaafey shir-doceedyo lidi ku ah hawlaha golaha uga socdeen Guriga madaxweyne-xigeenka oo noqday Barta laga soo curiyo ama lagu soo macmalo khilaafyada xildhibaanada Golaha wakiilada kala irdheeyay.
xildhibaanada dhaameelka loo daadshoXildhibaanadan laga soo shidaaliyo Qasriga Madaxtooyada ayaa badhkood gaaf-wareegayaan barxada hore ee xayndaabka golaha wakiilada oo ku dhegsan Aqalka Madaxtooyada iyagoo tash-kiilinayey ama ama horjoogsanaayey Xildhibaankii isku daya inuu gudaha Xarunta ama gudaha kaanboolka Golaha wakiilada galo si aan kooramku u buuxsamin oo kalfadhigu u baaqdo.
Yeelkeede waxaa kalfadhigaa aan caadiga ahayn ee Gudoomiyuhu ku baaqey ka soo xaadiray ilaa dhawr iyo labatan xildhibaan,Ha yeeshee markii kooramku buuxsami waayey ayaa gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Cirro xidhay fadhigii,fasaxayna xildhibaanada ilaa 8da bisha Novenbar oo fasaxoodu ku eeg yahay.
Kalfadhigan aan caadiga ahayn oo ahaa laba cisho Sabtida iyo Axada ayaa gudoomiyaha goluhu sheegay in maalinta Sabtida wasiirka maaliyadu golaha hor keeni doono miisaniyada sanadka 2015ka,Halka maalinta axada oo maanta ahaydna u qorsheysnayd in la ansixiyo Komishinka cusub ee Doorashooyinka balse nasiib daro taasi waxay ka suurtogeli weyday xagga xukumada siilanyo oo gacmo dhaadheer kula dhex jirta golaha wakiilada.
Geesta kalena Todobadii xubnood ee komishinka Cusub ee doorashooyinka Somaliland oo xarunta Golaha wakiilada yimi si loo ansixiyo ayaa ku hungoobay in la ansixiyo dibna isaga laabtay markii uu  kooramku buuxsami waayey.
Isku soo wada duuboo gudoomiyaha Golaha wakiilada Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku eedeeyay xukumada Siilanyo inay gacan kula jirto golaha kana dhex goobayso waqti lumin iyo in doorashooyinku dib u dhacaan oo muddo kordhin loo sameeyo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here