Xildhibaanada Maraykanka Oo Su’aalo Ka keenay La Dagaalanka Daacish

0
28

Washinton (Hubaal)-Guddiga Qaabilsan Ciidamada iyo difaaca ee golaha odayaasha Maraykanka Senatka, ayaa su’aalo adag weydiiyay Xoghaya Difaaca iyo Taliyaha Guud ee ciidamada Maraykanka.

Qaar ka mid ah xildhibaanada Maraykanka ayaa sheegay in aanay weli cadayn qaabka loo galayo dagaalka looga soo horjeedo kooxda ISIS ee ka dagaalanta Suuriya iyo Ciraaq.

Xoghaya difaaca Maraykanka Chuck Hagel iyo Taliyaha Guud ee ciidamada Jeneral Martin Dempsey ayaa sheegay in maletariga Maraykanka bartilmaameed ka dhigan doono xarumaha taliska, is-gaadhsiinta iyo saadka kooxda ISIS ee ku sugan Suuriya iyo Ciraaq.

Xubno ka mid ah Senatorada ayaa sheegay in hada aanay weli cadayn kaalinta ama waxa ay qabanayaan wadamada kale ee ka mid ah isbahaysiga dalalka sheegay inay ka hortagayaan ISIS.

Jeneraal Dempsey ayaa sheegay in laga yaabo in ciidamada Maraykanka ee dhulka loo diro dalka Ciraaq, balse arrintan ayuu sheegay in ay weli daraasaad ku wadaan, wuxuuna sheegay in Madaxweynaha Maraykanka ka soo horjeedo ciidamo dagaalama oo loo diro Ciraaq, sidoo kale qorshayaasha waa mid hal hal aan u eegi doono. Ayuu yidhi Taliyaha.

Xildhibaanada qaarkood ayaa sheegay in qorshaha ku aadan kooxda ISIS ee dhanka dalka Suuriya ayay ku tilmaameen mid is khilaafsan oo keeni kara in lagu fashilo, maadaama aan si cad loo qeexin Maraykanka waxa uu ka damacsan yahay dagaalka ka socda dalka Suuriya.

Inkastoo Golayaasha Maraykanka su’aalo adag ka keeneen dagaalka lagaga soo horjeedo ISIS ayaa hadana waxaan la filayn in ay ka horjoogsadaan xukuumada Maraykanka qorshaheeda miletari ee la dagaalanka Daacish (ISIS).

US-POLITICS-CONGRESS-MILITARY

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here