Golaha Wakiillada Somaliland Oo Ansixiyey Go’aanka Kala Qaadista Doorashadooda Iyo Ta Madaxtooyada
“Xisbiga WADDANI 25 Xildhibaan Baa Uu Golaha Ku Leeyahay, 5 Baa Diiday Go’aanka Madaxweynaha, 20-kii Kale Wey Ogollaadeen, Taasina Waxaa Ay Ku Tusaysaa In….”
Hargeysa (Hubaal):- Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Cod Aqlabiyad ah ku ansixiyey go’aanka Madaxweyne Axmed-Siilaanyo sheegay inuu ku kala qaaday mar wada-qabashada doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiillada, oo uu dib ugu dhigayo ta Wakiillada oo ay ahayd in mar la wada qabto labada doorasho 27 bisha Maarso ee sannadka 2017-ka. Kulankii Sabtidii shalay ee ay yeesheen Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland oo uu guddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golahaas ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Baashe Maxamed Faarax, ayaa Mudanayaashu ku ansixiyeen qodobka Madaxweynuhu go’aamiyey ee ah in doorashadooda dib loo dhigo iyo cambaaraynta Madaxweynuhu ku cambaareeyey qodob ka mid ahaa War-Murtiyeed ka soo baxay Shirkii Madaxda Urur-goboleedka IGAD ku yeesheen magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya oo lagu taageeray inay Midnimada Soomaaliya tahay lama taabtaan.
Ugu horreyn Xoghayaha guud ee golaha wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa mudaneyaashii fadhiga ku sugnaa u akhriyey digreetadii xambaarsanayd go’aanka madaxweynaha ee uu ku kala qaaday labada doorasho ee ta madaxtooyada iyo tan golaha wakiillada. Intaasi kadib Guddoomiye Ku-xigeen 1aad ee golaha oo fadhiga shirguddoominayay ayaa mudaneyaasha kasoo xaadiray fadhigan oo ka koobnaa 59 mudane ku wargeliyey in cod la gelinayo digreetada madaxweynuhu u soo gudbiyey golaha, waxaana codayntii kadib uu guddoomiye Baashe ku dhawaaqay natiijadii iyo tirada xildhibaannadii ogollaaday iyo intii diiday iyo weliba intii ka aamustay, waxaanu yidhi “ 59 xildhibaan baa fadhiya golaha saaka, [sidaas darteed] waxaynu gelaynaa codayntii, digreetadii madaxweynuhu soo jeediyey ee ahayd labada doorasho ee isku lammaanaa in la kala qaado, oo doorashada madaxtooyada la qabto waqtigii loogu talo galay oo ahayd 28-ka March, sanadka 2017-ka, doorashada kale ee golaha wakiilladana dib loo dhigo maadaamaa oo saamiqaybsigii golaha wakiilladu uu weli dhiman yahay oo waqti uu u baahan yahay. Markaa in sidaas madaxweynuhu soo jeediyey ee ah in labada doorasho la kala qaado inta ogoli gacanta ha taagto”. Sidaasi ayuu guddoomiye Baashe ku bilaabay hoggaaminta codaynta digreetada, kadibna waxaa uu iyagana ku wargeliyey in xildhibaannada diidani ay gacanta taagaan. Intaasi kadib waxaa uu guddoomiyuhu ku dhawaaqay natiijada codaynta xildhibaannada ogollaaday iyo kuwa diiday, waxaana uu yidhi “59 mudane ayaa fadhiya, 52 waxay ogollaatay sidii madaxweynuhu ku soo jeediyey iyo qoddobadii uu soo jeediyey oo isku dhan. 5 Xildhibaan waa ay diideen, hal xildhibaanna waa uu ka aamusay, go’aankii madaxweynuhuna sidaasi ayuu ansax ku yahay”. Ayuu guddoomiyuhu raaciyey hadalkiisa. Waxaa kale oo goluhu cod geliyey cambaarayntii madaxweynuhu u jeediyey shirkii madaxda IGAD ee lagu dafirayay qaranimada Somaliland, iyaga oo ku andacoonaya in Soomaaliya ay mid tahay. Waa kan mar kale Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax ee fadhiga shalay shirguddoominayay, “59 mudane ayaa fadhiga ku sugan, 52 kamid ahi waxaa ay ogollaadeen oo ay madaxweynaha ku raaceen cambaarayntii uu u soo jeediyey war murtiyeedkii IGAD, Toddoba Xildhibaan wey ka aamuseen, cid diidayna ma ay jirin”. Ayuu yidhi Md. Baashe Maxamed Faarax, sidaasi ayaanu fadhigii goluhu ku soo xidhmay.
Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka ayaa markii fadhiga laga soo dareeray kadib Warbaahinta uga warramay jewigii fadhigooda iyo sidii ay waajibkooda uga guteen ajendihii loo ballansanaa , waxaana isaga oo sababaynaya aqlabiyada uu goluhu kumeelmariyey go’aanka madaxweynaha yidhi “ In dhawayd waxaa lagu hawlannaa saami qaybsigii golaha wakiillada, doorashooyinkiina way innagu soo fool lahaayeen. Madaxweynuhuna waa kii golaha wakiillada waraaq u qoray ku saabsanayd labada doorasho eee isa saarnaa, annaguna waxaanu guddi u dirnay gobollada, gobolladuna ra’yiyo kala duwan bay ka dhiibteen saami qaybsiga golaha lagu fadhiyo”. Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Baashe, waxaana uu intaa ku daray “guddidu waxa ay keentay inaan gobollada Bariga iyo galbeedku ogolayn xaqna aanay ahayn sida golaha lagu fadhiyo. Kadib natiijadii guddidu ka keentay deegaannadaas waxaanu u gudbinay madaxweynaha, isaguna talo qaran buu isugu yeedhay xisbiyada iyo shirguddoonnada baarlamaanka, markuu u yeedhayna waxaa uu saddexda xisbi qaran ku yidhi kasoo taliya saami qaybsiga, iyaguna way isu tageen, waxaanay ku soo celiyeen madaxweynaha oo ay yidhaahdeen adigu qaraar ka gaadh arrintaas, waxaanay wada saxeexeen in waxa uu madaxweynuhu soo jeediyo ay wada ogollaadaan. Madaxweynuhu markuu akhriyey ee uu u fiirsaday go’aamadii la soo qoray wuxuu go’aansaday inaan labada doorasho mar la isu wada qaban Karin, oo doorashadii madaxtooyada uu waqtigeedii diyaar yahay, tii wakiilladana uu saamiqeybsigu muddo badan qaadanayo. Sidaas darteed wuxuu soo go’aamiyey in labadii doorasho la kala qaado, annaguna gole ahaan tii baanu ayidnay maanta [shalay], waana la kala qaadayaa”. Mar Guddoomiye ku xigeenka la su’aallay walaaca ay beesha caalamku ka muujisay labada doorasho ee la kala qaadayo, waxaa isaga oo ka jawaabaya uu yidhi “Beesha Caalamka waa loo sharxay oo danaha Somaliland annagaa og, dalkayaguna diyaar uma aha maanta in nabad gelyo darro iyo dagaal ka dhaco, markaas labada doorasho isma qaadi karaan, annaguna waxaanu ogollaanay in laga bilaabo maanta labadii doorasho la kala qaado. Qaraarkayagana waxaa loo gudbinayaa maxakamadda sare, dabadeedna waqtigeeda waxaa loo gudbin doonaa guurtida, dabadeed iyadaa sheegaysa waqtiga lagu qaban karo doorashada wakiillada”. Ayuu yidhi Baashe. Mar sidoo kale wax laga weydiiyey mawqifka ay xisbiyadu ka istaagi doonaan ansixintooda iyo sida uu mucaaridku u arki doono go’aankooda, waxaa uu Baashe Sheegay in ka sokow shacbiga uu goluhu sidoo kale metello xisbiyada, xisbi kastaana xildhibaanno ku leeyahay, sidaasi oo ay kala badh in ku dhaw tirada ogollaatay in la kala qaado labada doorasho ay ka soo jeedaan xisbiyada mucaaridka ah, gaar ahaanna xisbiga WADDANI “Baarlamaanka waxaa xisbiyada u metella xildhibaanno, Xisbiga Waddanina 25 Xildhibaan baa uu leeyahay, 5 Xildhibaan baana diiday, intii kale [20-ka xildhibaan ee WADDANI] wey ogollaadeen, taasina waxaa ay ku tusaysaa arrin lagu midaysan yahay oo goluhu isku raacsan yahay in ay tahay digreetada madaxweynuhu”. Ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax.