Hargeysa (Hubaal) – Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland (Guurtida/Wakiillada), ayaa la iskugu yeedhay fadhi aan Caadi ahayn.
Fadhigan oo Qabsoomaya 2-da bisha 5-aad, 2019 ayaa waxa si wada jir ah u iclmaamiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Baashe Maxamed Faarax iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Guurtida, Siciid Jaamac Cali.
Qoraalka Yeedhmada ah ee Xildhibaannada lagu ogaysiinayo inay fadhi aan Caadi ahayn isugu yimaaddaan,ayaa u qornaa sidan:-
Ku: Xildhibaannada Baarlamaanka labada Gole (Guurtida/Wakiillada JSL)
Ujeeddo: Fadhi Aan Caadi Ahayn
Mudaneyaal, sida ku cad qodobka 38-aad ee Dastuurka Farqaddiisa 6-aad, waxa lagu war-gelinayaa dhammaan Mudaneyaasha labada Gole (Guurtida Iyo Wakiillada) inay isugu yimaaddaan fadhi aan Caadi ahayn, Maalinta Khamiista ee bishu tahay 02/05/2019, Saacuddu tahay 09:00 Subaxnimo, fadhigaasi oo ah mid muhiim ah.
Allaah Mahad Leh
Baashe Maxamed Faarax Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL
Siciid Jaamac Cali Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad/ahna ku simaha Guddoomiyaha Guurtida