Hargeysa (Hubaal)- Shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland iyo Xildhibaannada Awdal iyo Salal ayaa shalay shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen ku sheegay in xal laga gaadhay xeerkii doorashada wakiillada ee muranka dhaliyay. Shir guddoonka ayaa sheegay in xeerka laga saaray Ajandaha golaha islamarkaana loo qorsheeyay in talo qaran laga yeesho sidii gobolada dalka loogu qaybin lahaa Kuraasta. Xeerkan oo Ajandaha lagu soo daray kalfadhigan golaha kana mid ah asbaabaha doorashada dib u dhigay ayaa mudaneyaasha Awdal iyo Salal muddo todobaado ah uga maqnaayeen golaha kadib markii ay sheegeen in cod lagu muquuninayo islamarkaana aanay saamigooda ka helayn golaha wakiillada oo ay hadda 13 mudane ku leeyihiin. Guddoomiye xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Baasha Managed Faarax ayaa sidan u sharaxay is afgaradka la gaadhay “Waxaa jirtay in xildhibaannada Awdal iyo Salal golaha ka maqnaayeen, sababta ay uga maqnaayeena waxay ahayd xeerkii doorashada golaha wakiillada oo saami qaybsigu ugu weynaa. Shir guddoonka iyo xildhibaannada wada hadalo ayaa u socday, xeerkiina waa laga saaray golaha, waxaa loo dhiibay guddi oo xeer cusub oo doorashada lagu galo ayaa la soo samaynayaa, waxa ugu weyni waa saami qaybsiga, saami qaybsigana golahani talo kama gaadhi karo, markaa talo qaran ayuu baahan yahay, waxaa loo gudbinayaa goleyaasha, madaxweynaha, xisbiyada, gobolada Awdal iyo Salalna wixii dhacay waanu ka xunnahay”. Guddoomiye xigeenka 2-aad Dr Cali Yuusuf Axmed, ayaa isna sheegay in xeerkani u baahan yahay talo qaran iyo xal waara, maadaama gobolada oo dhani qabaan tabashooyin ku aadan kuraasta ay ku leeyihiin “Arrintan saami qaybsigu waa arrin xaasaasi ah, baarlamaankii naga horeeyay wakhti badan bay ka qaadatay, maaha uun tabashadu labadaas gobole gobolada kale qudhoodu way guuxayaan, markaa waxay nala tahay in arrintaas lala qaybsado golaha oo haddii golaha lagu sii daayo waxay noqonaysaa dhibaato weyn” ayuu yidhi Guddoomiye xigeenku. Xildhibaannada reer Awdal iyo Salal ayaa sheegay inay habkan shir guddoonku aqbalay ayidsan yihiin islamarkaana u mahadcelinayaan shir guddoonka oo xeerkaasi ka saaray Ajandaha goluhu kalfadhigan ansixin lahaa.
Dhinaca kale Wasiirka xidhiidhka goleyaasha Somaliland Cali Xaamud Jibriil, ayaa sheegay inay Xukuumadd ahaan soo dhaweynayaan xalka laga gaadhay xeerka doorashada Golaha Wakiilada ee ay hore cabashada uga muujiyeen Xildhibaanada gobolada Awdal iyo Salal. Wasiir Cali Xaamud oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa kale oo uu Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro ku eedeeyay inuu ku guuldaraystay xal u helida cabashadii ay mudaneyaashani soo jeediyeen, waxaanu tilmaamay in arrintan xalkeeda uu ku guulaystay Guddoomiye ku xigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax. “Waxaad ka warqabtaan in khilaafkii yaraa ee golaha Baarlamaanka guddihiisa ahaa ee Xildhibaanadii ka soo jeeda gobolada Awdal iyo Salal ay ka heshiiyeen si fiicana u dhamaatay, xaqiiqdii aad baan ugu mahadnaqayaa Xildhibaanada Awdal iyo Salal si fiican ee milgaha iyo sharta leh, ka dib markii ay maanta (shalay) kulmeen Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo ka raaligeliyay wixii hore u dhacay. Sidaad ka warqabtaan bini’aadamku sidiisaba waxbuu sheegan karaa, wixii guddahooda ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu aanu u joojin, ahmiyadna siinin taas ayay ka xanaaqeen oo shakhsiyan iyo dad ahaanba uga xumaadeen.” Ayuu yidhi Wasiirka xidhiidhka goleyaasha Cali Xaamu Jibriil. Wasiirka xidhiidhka goleyaashu waxa uu intaas ku daray “Arrintani maaha arrin u taalay Xukuumadda, golahani waa golihii sharcidejinta ee madaxabanaanaa, waxay ahayd markii uu joogay inuu arrintan xaliyo oo iyaddoo arrintani taagan tahay oo annagu Xukuumadd ahaan ma faragelin karno, waa arrin uu isagu (Cirro) Guddoomiye ka yahay. Waxay ku qurux badnayd ama xaqiiqadu ahayd intii uu joogay inuu xaliyo, laakiin iyaddoo ay sidaa tahay ayuu ka tegay, Guddoomiye ku xigeenka koowaadbaana sharafta qaatay.”