Xildhibaanno Beeniyay Eedo Loo Jeediyay Wasiirka Hawlaha Guud

0
100

Hargaysa (Hubaal)- Toddoba  Xildhibaan oo  ka tirsan Golaha Degaanka ee degmada Burco,  ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaymo xildhibaanno ka tirsan golaha degaanku u jeediyeen  Wasiirka Hawlaha Guud, kuwaas oo ku eedeeyay inuu iibiyay suuq ganacsi oo ku yaalla magaladaas.

Xildhibaanadan oo shalay si wadajira  warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa ayaa sheegeen in  suuqa gananacsi ee laga dhisayo magaalada Burco uu soo sharciyeeyay madaxweynaha Somaliland.

Waxa kaloo ay  bayaamiyeen  in aanay jirin   suuq ganacsi oo uu iibiyay Wasiirka Hawlaha Guud  Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan).

 

Xildhibaan   Mubaarig  Yuusuf Cilmi Bidhi  ayaa sheegay in guddoomiye Cirro ceeb ku tahay in uu ku soo dabafaylo xildhibaanno ay isku jufo yihiin, waxaanu  yidhi “Waxa runtii ceeb ah nin kii madaxweynaha dalka ka doonayay in uu ku soo daba faylo xildhibaano reer kiisa ah uu yidhaahdo waxbaa la boobay,arintaasu waa arin fadeexad ah waxaana ay u muuqataa in aanu ahayn   nin  umaadu   xil ay ku aamini karto xildhibaanadii laga soo doortay degmada Burco ayaa ilaashanaya moolkaas oo anaga ah waxa aan leeyahay ninka yidhi cagaf ayaan galinayaa waxa aan leeyahay waxa aad moodaysaa iskuul kii Womens clup ka.”

Waxa kaloo  uu ku dooday  in suuqan ganacsi ee lagu soo kordhiyay magaalada Burco uu yahay horumar magaalada usoo kordhay.waxaana uu yidhi “Guryahaa sidii lagu dhisay markaan ka hadlo saddex suuq ayuu  soo sharciyeeyay madaxweynaha Somaliland in laga dhiso magaalada Burco in dad kaas bacadka fadhiya   loo dhiso guryo ay ku  ganacsadaan,horumar magaalada lagu soo kordhiyay ayay ahayd.”

 

Xildhibaan Maxamed Tuur-tuur ayaa beeniyay hadallo ka soo yeedhay xildhibaanadaas isla markaana ay ahayd arrin ay ugu olalaynayeen xisbiga Waddani, waxaanu yidhi; “Waxa xaqiiqada ka fog ayay ahayd oo ummaddu la yaabtay  hadalka ka soo yeedhay xildhibaannada ka tirsan golaha degaanka ee Burco,ciddii xogogoolka u ahayd ee golaha degaanka ka wada tirsanaayeena way la yaabtay arrimahaa ay ku hadleen arrinkooduna waxa uu u muuqday arrin olale ah oo xisbiga Waddani  ay ugu olalaynayeen.

Waxay  ku olaleeyeen wax xaqiiqada ka fog ninkii guddoomiyaha ahaa ee waddanka oo dhan codka ka doonayay  ayaa gidaarada jidh siiyeen   ninkii madaxweynenimada doonayay MALL  ayaa la iibiyay olale uma geli karto  xaqiiqo waxaan ahayn ayay u sheegeen xildhibaanadani MALL kaasina sharci ayuu ahaa oo sidiisii ayuu ku socdaa wasiirka aad fadeexadayseena waa la idiinka  fadhiyaa inaad ku soo caddaysaan eedaha  aad u soo jeeediseen.”

 

Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay   Xildhibaannada kala ah Axmed Cabdi Dhimbiil, Khadar Nuux,  Nuux Maxamed, Siciid Axmed iyo Gaboobe, waxaanay si adag u dureen xildhibaannada xajiimaynaya Wasiirka Hawlaha Guud.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here