Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Wakiillada oo Sababeeyey Xaallad Degdeg Ah Oo Ay  Madaxweyne Siilaanyo ugu Baaqeen In Uu Dalka Geliyo

0
42

Shacabkii  reer Somaliland waxa iskugu darsantay Abaar, Sicir-barar iyo Xoolihii Sucudiga loo Iibgeyn jiray oo laga joojiyey

Hargeysa (Hubaal) Gudoomiyaha gudi hoosadka deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ee golaha Wakiilada ee Somaliland Xildhibaan Siciid Warsame (Gane) iyo Xildhibaan Faarax Maxamuud Cabdille ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ugu baaqay in uu ku dhawaaqo xaalad deg deg ah oo abaaraha ah.

Xildhibaanadan  oo   Waaheen u warameyey ayaa sheegay in dalka ay ka jirto xaalad xun oo abaareed waxanay tilmaameen in abaartii barriga Somaliland ka jirtay ay u soo talawday galbeedka Somaliland, waxaanay shacab iyo xukumada  u soo jeediyeen in si wadda jir ah loogu gurmado dadka abaaruhu ku dhufteen oo ay sheegen in maalinba maalinta ka danbeya xaaladoodu soo xumanayso.

Waxa kale oo ay hoosta ka xariiqeen in dalka ay ka jirto saddex Masiibo oo dhibaato weyn shacabka ku haya oo kala ah Sicirbararka, Xoolihii oo la joojiyey iyo Abaarta oo Galafta Xoolo iyo dadba.

Xildhibaan Siciid Warsame (Gane) iyo Xildhibaan Faarax Maxamuud Cabdille waxa kale oo ay Madaxweynaha ugu baaqeen in Miisaniiyada wixii hawlaha qaranka looga marmiwaayo loo leexiyo Abaaraha.

Dhanka kale waxay xisbiyada qaranka Somaliland ugu baaqeen in lacagta ay ku dhiganayaan xaflada waaweyn ay u leexiyaan dhinaca baaraha oo dadka abaareysan la siiyo.

xildhibfff

Xildhibaanadani waxay ka  Makhraati  kaceen in dadka reer guuraga  xaaladoodu meel xun marayso.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here