Xildhibbaano Ka Tirsan Baarlamaanka Somaliland oo Si Adag uga Soo Horjeestay Saldhiga Milatari ee Imaaraadku Ku Yeelanayo Berbera

0
40

Hargeysa (Hubaal):-Qaar ka mid ah xildhibbaanada Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa si adag uga soo horjeestay mashruuca Saldhiga Milatari ee dawladda Imaaraadku ka sameysanayso magaalada Berbera, waxaana ay sheegeen Saldhiggaas Milatari uu khatar ku yahay qaranimada iyo weli ba sida oo kale madaxbanaanida Somaliland.

Xildhibbaanadan oo kala ahaa xildhibbaan Cabdiraxmaan Talyaanle, Xildhibbaan Bashiir Tukaale iyo weli ba sida oo kale xildhibbaan Cali Xaaji, ayaa mar ay maanta warbaahinta kula hadlaayeen Hargeysa, waxa ay sheegeen in ay shacabka ugu baaqayaan in ay ka digtoonaadaan halista kaga iman karta saldhiggaas oo ay sheegeen in uu khatar ku yahay jiritaankooda mustaqbal.

108A9547

Xildhibbaan Cabdiraxmaan Talyaanle oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu Saldhiga Milatari ee Imaaraadka laga soo ansaxiyey dawladda dalka Somaliya isaga oo sida oo kale na tilmaamay khatarta uu yeelan karo saldhiggaasi.

“Waxa weeye saldhiga Milatari ee Imaaraadku waa qaaciidad la iska bixinaayo oo wax Allaale iyo wax lagu bedelaayo oo la taaban oo umadda reer Somaliland ku qanci karto iyo waxa ay u soo ajiibeysa midna ma jiro. Hubaal waxa ah nimanka leh qaaciidad baanu Berbera ka qaadaneynaa ogalaanshaheeda waxa ay ka soo qaateen Xamar, xukuumadda Xamar joogta ayaa soo siisey. Su’aashu na hada ba waxa weeye Somaliland gooni isku taageeda miyey ka noqotay, ma waxa ay noqotay go’aankii dib u la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliln ee magaalada Burco shirkeeda lagu qabtay ee ay gaar isku taagtay, mudadaas rubuc qarniga ahna loo soo halgamaayey.”.Ayuu yidhi Xildhibbaan Talyaanle.

Xildhibbaan Talyaanle oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi: “Midda kale wax Allaale iyo wax looggu xisho oo nabad-gelyo ayeynu ku faani jirnay e’ oo nabad-galyaddeenii na maanta lagu khamaarayo oo taayir wareegaya oo dawlado ku dagaalamayaan mandaqadda tan la dhex dhigay oo la lee yahay cid baynu la dagaalamaynaa, dagaal aynaan ku jirin, waxbana aanay innooga shan iyo toban ahayn waa wax la la yaabo , waxaan xasuus nahay 1945kii dagaalkii labaad ee Aduunka, ayaa Mareykanu Laba qumbuladdood waxa uu ku riday, laba magaalo oo Jabaan ah oo midna la yidhaahdo Nekasaka midna la yidhaahdo Horashima oo Saddex boqol oo kun deedna Mbararkii waa uu isdhiibay deedna dawladdii Mareykanka ahayd ayaa qabsatay Japan oo Jasiiradda la yidhaahdo Ikanawa ayey waxa ay ka dhiseen qaaciido dagaal illaa hada na 75sannadood ayey halkaas fadhiyaan intaas oo dhana umaddaa Japaan waxa ay ka qeylinayeen wax qaacidaddaas ka dul-qaada, khasab baana ayey ku heystaan waana ay iska furfuri kari la’ yihiin. Waar inta aynu ciidan Ajenabi ah ciideena dul keeneyno oo calan aan ahayn calanka jamhuuriyadda Somaliland loogga taagayo Berbera oo qaaciidad aynaan xukumin la ina dul keenayo lama garanaayo, xattaa dhaqaale ahaan maanta Somaliland in ay dhaqaale ahaan helayso waxbey ahaan lahayd ee dhaqaale na kuma helayso.”.

108A9548

Xildhibbaan Cali Xaaji oo isagu na dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey dhibbaatada ka dhalan karta haddii la hirgeliyo saldhiggaasi isaga oo sheegay in dawladda Sucuudigu aanay lahayn awood ay ku maamusho saldhiggaasi isla mar ahaantaana uu ka digaayo in Somalilanrd cadaawad loogga abuuro dalal shisheeye oo aanay xuduud ahaan isa soo gaadhin.

“Meesha ciidamo ayaa la keenayaa, ciidamo miig ah oo caruurteenii iyo xoolo dhaqatadeenii ba Miig ku dul ciyaara ayaa la keenayaa oo marba dhinac u raaca oo sasiya oo 70KM weeyaan baa la yidhi garoonka noocaas ahi, cid geli kartaa ma jirto, cid ka war haysaa ma jirto, xattaa Madaxweynaheenu ma geli karo cid kale ba iskadaayoo, markaa waxa aan lee yahay waar suuro-gal maaha arrintaas saldhigu weli ba aniga oo ka war-qaba arrimaha ciidamada oo waan aqaanaa saldhig Milatari iyo waxa uu yahay, waana aynu naqaanaa in dawladda Sucuudigu aanay lahayn awood ay ku maamusho saldhigaas se cid uun baa ku hoos jirta, markaa waxa aanu lee nahay yeynaan cadow sameysanin oo cadow inaga soo horjeeda yeynaan sameysanin oo Imaaraadka hore ayeynu saaxiib u ahayne waxa aanu lee nahay siddii kale ee aad cilaaqaad noola sameysaneysaan diyaar baanu u nahay.”.Ayuu yidhi Xildhibbaan Cali Xaaji

Xildhibbaan Bashiir Tukaale oo isna dhankiisa ka hadlay, ayaa tilmaamay in aan illaa hada la garanayn waxa ay Somalilan ku bedelatay dhul baaxad weyn oo Somaliland ay saldhig ahaan u siisay dawladda Imaaraadka, isaga oo xusay in dhulkaasi uu macno ahaan ka dhigan yahay in la siiyey dalkaas shisheeye isla mar ahaantaana ciidamada la keenaa ay khatar ku noqon karaan Somaliland.

“Somaliland, haddii maanta ay arrintaasi suurto-gasho waa la qabsaday ee ogaada, waayo dee dal muctarif ah ma nihin, sabab loo la macaamilaayo dal aan muctarif ahayna ma jirto, markaa shacabka Somaliland waxa aanu lee nahay hadalkayagu waxba tari maayo haddii eydaan idinku taageerin waayo cida aanu la hadleyno ee aanu dooneyno in ay arragtiyadayada qaataan oo aanu dareenkooda ka turjumeynaa waa idinka, markaa in aad taageertaan ayaa la idiinka baahan yahay. Dhulka la lee yahay waal siinayaana waa 70KM oo isku weer ah, markaa taas macnaheedu waxa weeye intaas waxa aad u goysay dal kale oo macnaheedu yahay dalkaas baa iska leh, waxa kale oo taas ka sii daran kirada lagu kireeyey sannadkii aad bay u yar tahay waxaasi na wax caqli gelaaya maaha, markaa waxa aan lee yahay Somaliland iyo dadkeeda ba arrimahaas sidaas u dareensanaada oo xaaladdeedu maaha mid sahlan, wixii hore oo dhammi na ciyaar ciyaar bay ahaayeen, laakiin tani ciyaar ciyaar maaha, waxa ay saameyn ku yeelanaysaa jiritaankeeda iyo jiritaanka Somaliland oo weli ba beri haddii la yidhaahdo Somaliya ayaa la isku soo celinayaa waxa ku khasbi doona ciidamadan oo laguu adeegsan doono.”.Ayuu yidhi Xildhibbaan Tukaale.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here