Wasiirkii hore ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha, Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse
Hargeysa (Hubaal) Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse) oo xilal wasiirnimo kasoo qabtay xukuumaddii Siilaanyo, ayaa ka hadlay hadalkii Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Waddani md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro uu Taageerayaasha Xisbigiisa Waddani ugu baaqay inay Xarunta Dhexe ee Xisbigiisu Hargeysa ku leeyahay Subaxnimadda Maanta iskugu yimaadaan, waxaanu Cukuse ka digay Mudaharaad aan sabab loogu baaqo jirinay Mucaaridku Shacabka reer Hargeysa ugu yeedhaan hadii uu dalka ka dhacana ay dhib wayn umadda Somaliland u horseedi karto mudaharaadkaasi.
Siyaasi Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse) oo ka mida Siyaasiyiinta Kaadiriinta ee Xisbul Xaakimka Kulmiye ku abtirsada, ayaa shir Jaraa’id oo uu Saxaafadda shalay Hargeysa kula hadlay, waxa uu si adag uga digay isku soobax mudaharaad u muuqda oo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Waddani md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro uu shacabka reer Hargeysa ugu baaqay inay Saaka 8:00 Subaxnimo Xarunta Dhexe ee Waddani Hargeysa ku leeyahay iskugu yimaadaan, waxaanu Cabdilaahi Cukuse ka digay inay Mucaaridku nabadgelyadda qaranka Somaliland ku naaloonaayo aanay mudaharaado khalkhal gelin kara umadda ugu baaqin inay isku soo baxo iskugu yimaadaan, waxaani si gaara farta ugu fiiqay oo Xisbiga Waddani madaxdiisa uu ku waaniyey in aanay jirin wakhtigan dhibaato wayn oo kalifaysa in mudaharad shacabka reer Somaliland ay Mcuaaridku ugu baaqaan isaga oo Mucaarid iyo Muxaafidba ugu baaqay inay arinta wada hadal ku dhameeyaan.
Siyaasi Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse) oo ugu horayn ka hadlaayey Xaaladda guud ee wakhtigani qaranka Somaliland nabadgelyadiisu marayso waxa uu yidhi “Aniga maanta waxa ii muuqata guud ahaan in dalkeenu yahay waddan Xasiloon oo nabdoon oo dowladnimadiisii ay dacal ilaa dacal joogto, waa run way jiri karaan mar walba waxyaabo ay dadku isku qabtaan oo way jiri karaan qaar wax tebaya , way jiri karaan meelo wax laga dareemayo oo laga dareemyo baahi gaar ah ama baahi guud ay kaga badan tahay meelaha kale, laakiin marka guud ahaan si caam ah loo eego, waxaynu maraynaa Al-xamdulilaahi Caalamiin Illaahayna waxaynu ka rajaynaynaa in uu nimcada uu ina siiyey inoogu wado oo isaga deeqdiisa ah, inagana dadaalkeena iyo dowladnimadeena aynu dhan uga soo wada jeesano in aynu nabadeenana ilaashano dowladnimadeenana aynu ilaashano…”
Cabdilaahi Cukuse oo ka hadlaayey baaqa Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Waddani md Cabdiraxmaan Cirro uu shacabka xisbigiisa taageera isku soo baxa ugu baaqay waxa uu yidhi “Horta qofku guddoomiye xisbi mucaarid marka uu yahay had iyo jeer Xisbiyadda Mucaaridka ah Indhahoodu way arkaan ama waxay mucaaridba ku yihiin nidaamka marka jira marka in uu isagu xaalad ka hadlo oo xaaladda uu ka hadlayana si xun u arko waa sababta uu xisbi mucaarid u yahay, laakiin mudaharaadka aad sheegayso anigu ma garanaayo sabab cad oo muuqata oo imika wax wayn oo masiibo ah oo inagu dhacday oo u gaara mushtamaca deegaan gaara degan oo la yidhaahdo ka mudaharaada anigu ma arkayo wax laga mudaharaado una malayn maayo in uu guddoomiye Cirro-na sheegay waxa caynka iyo caynkaas ah ayeynu ka mudaharaadayna oo ah maqaadiir inagu dhacday , maqaadiirtaasi mid dabiici ah ha ahaato ama mid bani’aadam keenay ha ahaato , laakiin nabadgelyaddu waa waxa ay tahay Guddoomiyayaasha Mucaaridka iyo Muxaafidkuba inay ka wada shaqeeyaan, waayo maanta xiliyo kaambayn doorasho ma joogno oo xili kursi laysku qabqabsado ma joogno waxaynu joogna dowlad 2 sanno jirsatay oo 3 sanno na ay u hadhsan yihiin, xisbiyadda mucaaridka ee doorashooyinkii lagaga guulaystayna waxay ahayd wakhtigii ay dib u soo kaban lahaayeen iyada oo dowladuna wakhtigii ay wax qabad iyo horumar ku mashquuli lahayd sida darteed u malayn maayo in uu Cirro mudaharaad ku dhawaaqay hadii uu ku dhawaaqana u malayn maayo in uu sheegay wax cad oo bani’aadamku ku qanci karo, mudo haraadkuna waynu naqaana iyada oo sharciga iyo dastuurka dalkeenu baneeyey oo hadana mudaharaadku waa mid dadka ka yimaada ee maaha mid dadka lagu Ajburo …”