Madax-dhaqameedka Reer Caynabo Oo Diidmo Ka Muujiyey Sarkaalka Shaqada Laga Caydhiyey, Wasiirro Shilisna Arrintaas Ku Eedeeyey
Masuulka La Caydhiyey Oo Laba Toddoobaad Kadib Markii Uu Xirsi Caynabo u Diiday Shaqadiisii Waayey
Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Md. Saleebaan Ciise Axmed(Xaglo-toosiye), ayaa xilka-qaadis kedis ah ku sameeyey isu-duwihii gobolka Saraar ee wasaaradda Caafimaadka Md. Muuse Abokor Suudi oo isagu ahaa masuulkii is hor taagay dhawaan socdaalkii uu hoggaamiyaha WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan doonayey inuu gudaha magaalada Caynabo ku gaadhsiiyo agab caafimaad.
Inkasta oo aan xilka-qaadista sarkaalkan warbaahinta la marinin, haddana sida ay madax-dhaqameedka sarkaalka shaqada laga caydhiyey warbaahinta u sheegeen, waxa shaqadaas loo magacaabay masuul kale oo dhawaan uun isla shaqadan laga caydhiyey, isla markaana lagu eedeeyey xil gudasho la’aan.
Xilka-qaadista masuulkan katirsanaa gobolka Saraar, ayaa guux iyo walaac ballaadhan ka abuurtay guud ahaan gobolka Saraar, waxana tallaabadan si weyn uga cadhooday odayaasha iyo waxgaradka kasoo jeeda gobolkaas, kuwaas oo saluugay hannaanka masuulkaas xilka looga qaaday.
Madax-dhaqameedka sarkaalka shaqada laga beddelay oo magaalada Burco warbaahinta kula hadlay, ayaa si kulul u cambaareeyey tallaabada wasaaradda caafimaadku xilka kaga qaaday isu-duwihii hore ee gobolka Saraar, waxana ay eedda xilka qaadista dusha ka saareen wasiiarka madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay tilmaameen inuu ujeeddo gaar ah ka leeyahay beddelka masuulkan.
Qaar kamid ah odayaashan oo warbaahinta la hadlay, ayaa cabasho ka muujiyey qaabka xilka qaadistaas, kuwaas oo sheegay inay waxyaabo badan oo hore tirsanayeen, “Aad baanu dhaleecaynaynaa wiilkaas aan tobanka habeen meesha joogin ee shaqada laga eryey, liqiina kari weynay maanta markii uu wasiir u faytay oo shaqadii ka eryey, waxana aanu nidhi la isa soo gelyo shir inoo qabta, annaguna waxyaabo badan oo aanu hore u tirsanaynaa way jiraan,” sidaas waxa yidhi oday katirsan beesha sarkaalka xilka laga qaaday oo warbaahinta la hadlay.
Shakiga bulshada gudaha Caynabo ka muujisay xilka qaadista isu-duwaha gobolka Saraar, ayaa weli socda, waxana isa soo taraya cabashooyinka arrintan la xidhiidha ee loo gudbinayo dhinaca aqalka madaxtooyada, iyada oo weliba ay yar tahay kalsoonida bulshadaasi ku qabto masuulka cusub ee lagu beddelay midkii hore.
Wasaaradda Caafimaadka oo iyadu xaq uleh shaqooyinka la xidhiidha isu-duweyaasheeda gobollada kala duwan u qaabilsan, Ayaan weli wax jawaab ah ka bixinin sababta ay xilka qaadistan u samaysay, waxase soo baxaya warar ka imanaya dadka deegaanka Saraar oo sheegaya in wasiirka madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi uu arrintan lug ku leeyahay.
Masuulka xilka laga qaaday, ayaa isagu ahaa sarkaalkii 8-dii bishan aynu ku jirno ee May horjoogsaday gargaarkii uu hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan damacsanaa inuu Cisbitaalka guud ee Caynabo geeyo, isla markaana warbaahinta ka difaacay go’aankaas, waxana bulshada inteeda badani is weydiinaysaa sababta masuulkan shaqada looga caydhiyey.