“Xilku Nin Wuu Dhibaa, Ninna Xilka Ayuu Dhibaa, Annigu Waxaan U Haystaa In Cabdiraxmaan Cirro Uu Dhibayo Xilka, Waayo….”

0
25

Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Oo Si Adag U Eedeeyey Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

 Wasiirka Ciyaaraha Md. Cabdillaahi Faarax Maydhane  iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas Mr. Maxamed Xuseen Dhabbeeye oo ka jawaabay dhalliilo uga yimi masuuliyiinta xisbiga WADDANI

ciyaarahaHargeysa (Hubaal)-Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Jamhuuriyadda Somaliland Md.  Cabdillaahi Faarax Maydhanne, ayaa si adag u dhalliilay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isagoo ku eedeeyey inuu yahay masuul aan u qalmin in bulshada iyo dhallinyarada Somaliland ay siiyaan cod uu ku noqdo madaxweyne.

Wasiir Cabdillaahi Faarax Maydhanne oo wefti uu hoggaaminayo safar ku marayaan degaannada galbeedka Somaliland, isla markaana saxaafadda kula hadlay magaalada Boorama shalay, waxa uu ka jawaabay eedaymo masuuliyiinta xisbiga WADDANI u jeediyeen wasaaradiisa, isagoo tilmaamay in Guddoomiyaha WADDANI yahay masuul ku fashilmay xilka Golaha Wakiillada ee uu u hayo qaranka Somaliland.

“Dhallinyaradu waa boqolkiiba toddobaatan (70%) qaranka, waanna kuwa aad wax ka sugaysay, waa kuwa maantana inaad tahriibiso aad adigu u oggolaatay. Xogta aannu haynay kolkii hore cidda waannu garan la’ayn, laakiinse maanta waxaannu helnay ku-xummaadane, annigu in dadka wax loo qabto ayaan eegaynay ee in la dhibaatooyo annagu umabaanaan fadhiyin,” ayuu yidhi Wasiirka Ciyaaruhu.

Waxaannu intaas ku daray; “Xisbiga WADDANI marka aad eegto Guddoomiyihiisa (Cabdiraxmaan Cirro) markaad eegto 18 May hadal buu ka jeediyey. 18 May waxay ahayd gobonimadii halawday  ee aan qaadanay 26-kii June, markii dambena meesha madow innagaga dhacday markii laga daba tagey ee loo dhibaatoobay, ee loo goblamay, agoontii ka soo hadhay, markii ay la soo noqdeen 18 May, waxa la isku raacay in xadkeenii iyo dawladnimadeenii aynu goonni-isu-taagno. Tiibaa la isku raacay. Cabdiraxmaan (Guddoomiyaha WADDANI) waxa uu joogay Moscow (Caasimadda Ruushka), halkaas ayuu Soomaaliya ugu shaqeynayey, halka ragga gobonimada doonayeyna uu dhimanayey, kuna gaajoonayey keymaha. Wuu yimi Cabdiraxmaan oo wuxuu inoo sheegay Somalilander ayaan ahay ee I doorta ayuu yidhi, Xildhibaan buu doontay, Xildhibaankii waa la doortay (sannadkii 2005), haddana waxa laga dhigay guddoomiye (Golaha Wakiillada), kadibna waxa uu doontay inuu Xisbi sameeyo, WADDANI buu la baxay.”

“Xilku nin wuu dhibaa, ninna xilka ayuu dhibaa, annigu waxaan u haystaa in Cabdiraxmaan Cirro uu dhibayo xilka, wuxuu kaga tagey Dastuurka halkaas Xeer baa qeexaya (qabyada ku jirta dastuurka) maalintii marxuum Cigaal dhintay halkii ay ku joogtay ayey sharci-dejintu ku joogtaa, Xeer baa qeexaya oo kii isaga (xeerka doorashada mudanayaasha wakiillada) lagu soo doortay ee ku-meel-gaadhka ah inuu ku joogto ah ka dhigo oo uu soo saaro Xeerkii Xildhibaannada ku soo baxayeen ayaa ku taagan oo lama hayo,” ayuu yidhi Wasiirka Ciyaaraha Somaliland oo qabyada ku jirta dastuurka ku eedeeyey Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

Waa kaloo uu sheegay in Guddoomiyaha WADDANI uu madmadaw geliyey qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, maadaama uu ka soo horjeedo maalinta qaranka ee 18-ka May, waaannu yidhi; “Dhib la soo maray oo laga bogsaday in dadkayaga lagu dhaqdhaqaajiyo in xil lagu doono uma haysto, Cabdiraxmaan-na waxaannu moodeynay, mise waxa uu noqday, mise waxaan loo doqon doonin, Cabdiraxmaan waxaan moodaynay nin dadka waxtaraya oo wax ku soo kordhinaya oo Xildhibaan ahaa oo hawshiisa ka soo baxaya, Cabdiraxmaan Xildhibaan buu noqdoo xilkii isaga ayaa dhibay, wuxuu noqday ninkii xilka dhibay oo inuu Xeer baa qeexaya ee ku-meel-gaadhka ahayd ee doorashada lagu galayey waxba kamuu beddelin toban sanno iyo kow iyo toban sannana wuu joogaa Baarlamaanka.”

“Guddoomiyaha WADDANI way yartahay inta uu ka qaybgalay xuska maalinta qaranka ee 18-ka May oo sannad kasta marka maalmo kooban ka hadhsan yihiin 18 May ayuu dalka ka dhoofaa, markaa hadda waannu baranay oo jiri mayso in Cabdiraxmaan Cirro dib nooga helo cod dambe, dhallinyaraduna way arkaysaa shacabkuna wuu arkayaa,” ayuu yidhi Wasiirka Ciyaaruhu.

Waa kaloo uu dhalliilo u jeediyey Mr. Cabdirashiid Xasan Mataan oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga WADDANI, waxaannu yidhi; “Cabdirashiid waxa uu ahaa nin akhyaar ah oo iska shaqaysta, cid ayaana soo lugoysay oo waxbaa lagaa dhigayaa ayaa lagu yidhi, wuxuuna yimmi Boorama oo weli ma dhaafin Boorama. Madaxweynaha Somaliland oo safar ku tegay Laascaanood, waxa Cabdirashiid ahaa ninkii yidhi madaxweynuhu dalka ayuu ka baxay, markaa waxa aan leeyahay ninkan Cabdirashiid maba garanayo halka uu ku yaal xadka Somaliland.”

Waa kaloo uu intaas ku daray; “Cabdirashiid wuxuu ahaa aqoonyahan oo waad ku wanaagsanayd shaqadii xafiiska, laakiin tan (siyaasadda) lagugu soo lugooyey maantu maaha shaqadaadii.”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabbeeye) oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in aanay wasaarad ahaan ogolayn in Somaliland ka qaybgasho tartan loo qabto gobolo iyo degaanno doonaya inay ka madaxbannaanaadaan dalalka ay ka tirsan yihiin, tartankaas oo hadda ka socda gobolka Abkhazia oo ka tirsan dalka Georgia ee bariga qaaradda Yurub, isagoo xusay in Somaliland tahay dal madaxbannaan oo dawlad ah, una qalbin inuu ka qaybgalo tartan loo qabto kooxo jabhado ah.

Waa kaloo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay dhalliilo ka soo baxay siyaasiga Cabdirashiid Xasan Mataan, kaasoo ku eedeeyey Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland inay ku fashilan tahay horumarinta ciyaaraha kala duwan ee dalka, isla markaana ku guul-daraysatay tartamadii ciyaaraha Gobolada Somaliland, waaannu Agaasimaha Guud tilmaamay in eedaymahaasi yihiin qaar aan waxba ka jirin, isagoo sheegay in xukuumadda KULMIYE iyo Wasaaradda Ciyaaruhu wax badan u qabteen dhallinyarada Somaliland, kuna guulaysteen inay qabtaan tartankii ugu quruxda badnaa ciyaaraha gobolada dalka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here